Hargeysa (Hubaal) Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa xukuno kala duwan ku ridey Kal-kaaliyayaal loo haystay kiis khuseeya Facebook been abuur ah.
Kal-kaaliyayaashan oo ahaa lix ayaa maxkamada gobolka Maroodi-jeex maalinimadii shalay ay xukuntay afar ka mida, halka labana la sii daayay.
Afartan la xukumay saddex waxaa lagu xukumay min lix bilood oo xadhiga halka mid iyaga ka mid ah-na lagu xukumay hal sano oo xadhiga ciqaabeeda.
Afartan kal kaaliye ee la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:–
1) Cabdinuur Ibraahin Maxamed waxa lagu xukumay Lix bilood oo xadhig ah
2) Layla Siciid Aadan waxa iyadana lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah
3) Hana Xasan Yuusuf waxa iyadana lagu xukumay Lix bilood oo xadhig ah
4) Cabdicasiis Muxumed Muuse (Sahal) waxa lagu xukumay Hal Sanno oo xadhig ah
Dhanka kalena maxkamadda gobolka Maroodi-jeex waxay xorriyadoodii usoo celisay labada eedaysano oo lagu waayay wax kiis ah waxaana magacyadoodu kala ahaayeen sida tan
1) Siciid Maxamuud Ibraahin
2) Maxamed Rashiid Cali.
Dacwada iyo kiiskan loo haystay Lixdan kal-kaaliye ayaa waxay maxkamadda ka socotay muddo Afar Bilood ah waxaana ay kalkaaliyayaashani ka tirsanaayeen maxkamadda racfaanka gobolka Maroodi-jeex iyagoo lagu eedeeyey inay sameeyeen Facebook been abuur ah oo uu ku qoran yahay magaca gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye waxaana la sheegay in Facebook-gaasi lagu faafiyay qoraalo been abuur ah oo la iskaga hor keenayo bahda garsoorka.
Gabagabadiina eedaha ay xafiiska xeer ilaalintu ku soo oog-tay lixdan Kal-kaaliye ay dhamaayeen 10 eedood,waxaana sagaal kamid eedahaa lagu waayay kal-kaaliyayaashan halka hal eed lagu helay taasian ay noqotay ta lagu xukumay afar kamid eedaysanayaashan.