Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Fasaxday Suxufiyiin Iyo Hal Abuur Maalmihii U Dembeeyey Berbera Ku Xidhnaa

0
29

Berbera (Hubaal) Wariye Axmed Siciid Maxamed, wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige iyo Abwaan Maxamed Xasan Cajaa’ib, ayaa xorriyadooda dib u helay kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku xidhnaayeen magaalada Berbera. waxaa loo haystay eedo la xidhiidha warar ay faafiyeen. Garsoorka Saaxil ayaa suxufiyiinta iyo abwaanka u celiyay xorriyadooda kadib markii Booliska iyo xeer ilaalintu soo dhammays tiri weyday eedaha loo haysto, waxaanay maxakamaddu diiday 4 maalmood oo dheeraad ah oo xabsiga lagu sii hayo shakhsiyaadkan, taas oo booliska iyo xeer ilaalintu ku dalbadeen inay soo dhammaystirayaan eedaha loo haysto. suxufiyiinMagaalada Berbera waxaa isa soo taraya xadhiga wariyeyaasha oo noqday mid soo noqnoqday, balse ilaa hadda ma jiro wariye xukun maxakamadeed ku dhacay oo lagu helay dambiyo loo xidhay. Inta badan wariyeyaasha oo muddo xidhnaa ayaa la sii daayaa. Bahda garsoorka Somaliland oo lagu wado dib u habayn uu hurmuud ka yahay guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa u muuqata mid wax weyn laga bedelay islamarkaana ka hor tagaysa in dadka si sharci darro ah xorriyadooda looga qaado laguna hayo xabsiga iyadoon eedo macquul ah lagu hayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here