Hargeysa (Hubaal) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay labaatankan caruur darbi-jiif ah.
Garsooraha maxkamadda ayaa xukunooda ku sababeeyay inay xabag cabbeen, isla markaana ay igsimidh galiyeen wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, oo sida uu sheegay dhibbane ka ahayd kiiskooda.
Dhalinyaradan Derbi-jiifka ah ayaa is hortubay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, iyagoona dalbanayay busteyaal iyo dhar ay kaga gabadaan dhaxan ku haleeshay gidaarrada ay u hoydaan habeenkii.
Dhalinyaradan oo tiradoodu ka koobnayd 23 nin, ayaa saddex ka mid ah ay maxkamaddu sii daysay, maadaama waa sida ay sheegtaye aanay qaandhgaadhin, halka 20 kale ay ku xukuntay Lix bilood oo xabsi ah.
DAAWO:
Maalmihii u dambeeyay Waddooyinka Magaalada Hargeysa, waxa lagu arkayay carruur nuugaysa Xabagta kuwaasi oo toban toban u wada socda.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay dawladdu xidhay xarun lagu daryeeli jiray carruurta derbi-jiifka.