Akhri Magacyada Siddeed Dhalinyaro Ah Oo Gabadhi Ku Jirto oo Xadhig Iyo Ganaax La Isugu Daray+ Laba Baabuur Oo U Khidmaynayay Kooxdan Oo Iyagana La Xukumay
Hargeysa (Hubaal):- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid ka mid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalena Markhaatiyo Maxkamadda kaga marag-fureen inay Xaaraan quudanayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel oo ku dhawaaqay Xukunkaas iyo qodobbada Ciqaabta ah iyo weliba Aayadaha Qur’aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay Xukunkooda, ayaa faahfaahiyey qaabkii loo soo qabtay iyo qirashada Dhalinyaradaas. Waxaa lagu xukumay min Lix Bilood oo Xadhig Xabsi ah iyo min Hal Milyan oo Ganaax lacageed ah, halka laba Nin oo laba Gaadhi oo u adeegayey Dhalinyartaas Xaaraanta cunayey, lagu xukumay inay bixiyaan min Laba Milyan oo adeegga ay ku fulinayeen Baabuurtooda ah. “Maanta oo ay bishu tahay 15ka bisha lixaad ee sanadka 2017 waxa ay maxakamadda degmada Hargeysi u fadhiisatay dacwadan oo uu qaranka JSL dhibane ka yahay, waxaana eedaysanayaal ka ah Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah, Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah, Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah, Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah, Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah, Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir, Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo eedaysanaha 8aad oo maqane ah oo la yidhaa khaalid Ibraahim Aadan” sidaa ayuuyidhi Guddoomiyaha Maxakamadda Degmada Hargeysa oo shalay xukun ay warbaahintu goob joog ka ahayd ku riday dhalinyaradan, kuwaas oo uu eedooda akhriyey “Waxaa la idinku soo eedeeyey taariikhdu markay ahayd 14-ka bishan lixaad [dorraad] in si wadaj ir ah ay ugu gafeen qodobka 402, 404, ee XCG oo sheegaya anshaxa xumo oo lala akhriyo 73 ee XCG oo isaguna sheegaya dembi si wada jir ah loo galay, sababtoo ah dembiga lagu soo eedeeyey in 14-kii bishan abaaro 4:30-kii galabnimo in ciidanka bilaysku ay soo qabqabteen iyagoo goob wada fadhiya cunaayana qaad iyo cunto xaaraan ah iyagoo meel kaga dhacay xumadii bishan ramadaan ay lahayd oo xaaraan quutayaal ah” ayuu yidhi guddoomiye Beer-geel, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay agab iyo cuntooyin iyo weliba jaad lagu soo eedeyey inay ahaayeen kuwii lagu soo qabtay eedeysaneyaashan. Dhinaca kale waxaa uu guddoomiyuhu fadhiga maxakamadda ka akhriyey eedaha lagu soo oogay 8-da dhalinyarada ah kuwaas oo uu sheegay in lagasoo qabtay beer dhinaca galbeed ka xigta xaafadda Masallaha ee koonfurta Magaallada Hargeysa.
Cabdirashiid Beergeel Guddoomiyaha Maxakamadda Degmada oo halkaasi kaga dhawaaqay xukunku waxaa uu yidhi:
- Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah,
- Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah,
- Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah,
- Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah,
- Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah,
- Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir,
- Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo
- Maqane khaalid Ibraahim Aadan
Kuwaas oo si wadaj ir ah ay ugu gafeen qodobka 402, 404, ee XCG oo sheegaya anshaxa xumo oo lala akhriyo 73 ee XCG oo isaguna sheegaya dembi si wada jir ah loo galay waxa lagu xukumay min lix bilood oo xadhiga h iyo min hal milyan oo lacag ah oo wada socda”. Waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay baabuurro iyagu u adeegayay xubnahan eedaysaneyaasha ah oo iyagana la xukumay “Dembiilaha 7aad ee Khaalid Xasan Cabdillaahi oo isagu watay gaadhiga indhacaddeha ah ee uu ugu shaqaynayay xaaraan quuteyaashan bishan ramadaan, gaadhigan oo lambarkiisu yahay 51680 somaliland, waxa si gaar ah loogu xukumay ganaax dhan laba milyan oo shilin Somaliland in uu bixiyo. Sidoo kale gaadhiga labaad ee uu watay dambiilaha afraad ee MAxamed Cabdillah i Cabdi oo isagu ah VITS [Tukhaan] oolambarkiisu yahay 70846 Somaliland waxaisagana si gaar ah lagaga xukumay ganaax dhan Laba milyan oo shilin oo la socda xadhiga, si mar dembe aanay u dhicin in dadweynaha Somaliland ugu dhicin dembigan oo kale oo ay ku cibro qaataan”.