Maxkamadda oo xadhig Rumaan ah u jartay Xog-hayaha Golaha Wakiiladda

0
23

Hargeysa(Hubaal) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa la sheegay saaka inay xadhig Rumaan ah u jartay Xoghayaha Guud ee Golaha wakiiladda Somaliland, kadib markii ay saaka Xeer ilaalintu dalbatay inay ku wado baadhis dheeraad ah.

xoghXoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda oo habeen sadexaadkii Booliisku kala baxeen gurigiisa ayaa la sheegayaa in lagu Eedaynayo in uu ka danbeeyey Calankii Kulmiye ee lagu Gubay Gar-adag.

 xoghayaha wakiilada

Koox dhalinyaro ah oo ay xukuumaddu u xidhay Gubista Calanka Kulmiye ayaa la xidhay waxaanay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaan in ay Booliiska u sheegeen in Xoghayaha Golaha Wakiiladdu ku abaabulay hawshaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Xoghayaha Golaha Wakiiladdu u xidhan yahay, hase yeeshee waxa so baxaya Eedaynta ka dhalatay Gubista Calanka Kulmiye, inkasta oo aanay wali xukuumaddu ka hadal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here