Maxkamadda Saaxil Oo Siidaysay Weriyeyaashii U Xidhnaa Maayarka Berbera

0
34

Berbera (HNA) – Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa Maanta Xorriyaddooda u soo celisay Saddex Suxufi oo Maalmihii u dambeeyay Berbera ugu xidhnaa Maayarka Magaaladaas Cabdishakuur Ciddin.

Weriyeyaashan oo Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan Kalsan TV, Mubaarik Nirig oo ka tirsan Star Tv iyo Wariye kale oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Magaalada Berbera, ayaa Ciidanka Booliiska oo uu adeegsanayo Maayarku xidheen ka dib markii ay baahiyeen Warka Xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka Berbera oo ka hadlay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, kuwaas oo Maayarku aanu ku qancin siday u hadleen, Maaddaama oo hadalkoodu ku soo beegmay xilli ay Berbera ku sugnaayeen Wefti ka socday Shirkadda DP World ee Maalgelinaysa Dekedda.maayerka iyo wariyayaasha uu xidhay

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Siciid Jaamac, ayaa sheegay inuu diiday Codsi uga yimid Guddida Nabadgalyada Gobolka Saaxil, kaasi oo kaga dalbadeen inuu Xalaaleeyo in Weriyeyaasha Xabsiga lagu sii hayo 30 maalmood oo dambe.

Guddoomiyuhu, wuxuu intaa ku daray in Maaddaama oo saddexda Weriye markii horeba waaran la’aan lagu xidhay ay u cuntami wayday inuu Xalaaleeyo inay sii xidhnaadaan 30 maalmood oo kale, taasi ka dibna uu Xorriyaddooda u soo celiyey Saddex Weriye.

Siideynta Weriyeyaashan, ayaa waxa soo dhaweeyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here