Meherkaygu waa inaad Muslinto!!!!!W/Q. Xuseen Jaamac Guudcadde

0
64

Waa qiso xaqiiq ah. Waqtigii nebigeenna (CSW) gabadh saxaabiyad ah oo la odhan jiray Umusulaym ayaa waxaa u soo haasaawe tegay nin la odhan jiray Aba Dalxe oo aan muslim ahayn wuxuu ahaa nin maal qabeen ah oo dabeecad fiican bal se diinta muslimka muu haysan.
Markii uu u yimi Umusulaym ee uu u soo bandhigay guurkii waxay ugu jawaabtay: Abaa Dalxow noocaaga oo kale lama diidi karo laakiin waxaad tahay nin gaal ah aniguna waxaan ahayn gabadh muslimad ah sidaas darteed isma guursan karno isu xalaal noqon mayno.
silhouette-man-question-mark-17749737Dabadeed wuxuu mooday in ay diidayso gabadhaasi arrimmo dhaqaale iyo wax la mid ah, wuxuuna ku soo noqday dhowr goor laakiin markii u danbaysay maxaa dhacay? Waxay tidhi: Umusulaym haddii aad muslimto meher ku waydiin maayo meherkaygu waa inaad muslimto. Sidaas ayaanu ku muslimay Abuu Dalxe waxaanay u dhashay carruur oo qaarkood noqdeen xufaadul quraan.
Waxay ahayd gabadh aad u caqli badan oo u samir badan. Waa gabadhii wiilkeeda oo dhintay ka qarisay wadaadkeeda si aanu u nixin oo inta ay odaygeedii casho siisay oo marxabbaysiisay, dabeed markii waagu beryeyna u sheegtay in wiilkii dhintay, dabeed uu ka xanaaqay oo u tegay Nebigeenna oo uga warramay wixii dhacay Nebigeennu wuxuu yidhi: Alle ha idiin barakeeyo habeenkiinaas, dabeed habeenkaas waxaa u calool galay Umusulaym wiil markii danbe dhalay carur quraanka xafiday habeenkii ayaa Ilaahay u barakeeyey illayn nebigii ayaa u duceeyee.
Ilaah ha ka raalli noqdo Ummu Dalxa waxay meherkeeda ka dhigatay Kelmadda towxiidka ee Laa Illaaha Illa laahu.
Hableheennu waa inay ragooda la jeclaadaan iimaanka iyo diintaa sida Umusulaym.
Xuseen Jaamac Guudcadde
Email:diintuwaanasteexo1@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here