- Bakaal: Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad, Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir, Qof lixaad weyn.
- Bidde: nin la haysto oo aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqaysto.
- Biixi: Lafo dhaadheer oo adag.
- Boobe:Nooc hubka mida oo si daran doori ah u dhaca ama cayayaan yar yar oo gala iniinyaha xabxabka iyo sisinta.
- Bootaan:Bus; habaas. Meel bus ama habaas leh.
- Bulxan:Cod naflay badani isku darto oo farxad iyo qosol leh.
- Cawil:Wax ku dhaafay ama lumay badalkood.
- Cawl:Midab casaan xigeen ah, Cawsha keeda lab ama ugaadha waaweyn jaad ka mid ah oo leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga cad.
- Cigaal:Xadhig dun madow ka samaysan oo cumaamada madaxa logu xejiyo ama tuuryo meel dheer ku dhacda.
- Cirro:Timo cadaaday oo madaxa iyo gadhka ka baxa.
- Deero:Jaad ugaadha ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
- Dogox: Qof wayd ah ama dhul godan oo carro jilicsan oo biyo qabatin leh.
- Duur:Meel geedo badan oo jiq ah oon cidi daganayn.
- Fadal:Raad noolo oo dhulka diisay ama qoday.
- Galaal: Diilin cad oo badhtanka madaxa idaha kaga taal, ama qof turub laga badiyay oo dambas iyo nuurad madaxa laga mariyay.
- Geenyo: Faras dheddig.
- Hawd: Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn.
- Jiciir: Midab ciiro casaan ku jiro leh.
- Koore: Shey badanaa harag la megdey ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
- Magool: Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin
- Nacnac: Macmacaan yar oo udgoon oo caruurtu jeceshahay oo muud muudsato.
- Oog: Subaxnimo, Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad, Calaamad cad oo ay lo’da qaarkeed wejiga ku yeelato.
- Oomaar: Kul badan, Ur ka dhalata cunto gubatay biyo la’aan awgeed.
- Qabo: Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelka iyo alaabta laga samaysto.
- Qalax: Dhul dhagax badan oo oomane ah.
- Rakuub: Awr fuuli maad loo tababaray.
- Rayte: Silig shaqab ah oo sariiraha laga sameeyo ama midho kuuskuusan oo midhaha gobka ka yara weyn leh midab madow oo dharka lagu dhaqan jiray.
- Sabayse: Tuulo Ethiopia ku taal.
- Samsam: Biyo barakaysan oo ceel kacbada ku yaal laga helo.
- Sanaag: Dhul buuraley ah.
- Sandulle: Dalool sanka lo’da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xadhigga lagu hoggaaminayo loogu xidho, ama waxay noqotaa qasab ama xoog.
- Saylici: Ciyaar dhaqamed somalidu can ku tahay oo ciyaarto.
- Sifir: Isir: Ab ama waalid.
- Siilaanyo: Nooc xamaaratada yaryar ka mida.
- Solteco: Shirkad isgaadhsineed oo kacday.
- Sool: Hawd oommane ah.
- Surad: Geed faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
- Suudi: Kul aad u badan oo qorraxeed
- Taani: Qof laf iyo xoog leh.
- Wabar: Nin reer ama tol madax u ah, ama qof wanaagsan.
- Waris: Nooc ka mida dhirta ama dhoobo loo adeegsado si dharka loo midabeeyo.
- Waxar: Dhasha riyaha ama orgi yar.
- Xirsi: Warqad quraan ku qoran yahay oo la xidho oo balaayada xijaab ahaan looga qaato.
- Xujaale: Qof Had Iyo Jeer Xujo Keena.
Soo ururinta: Guleid Ali Jabane
Xigasho: Qaamuuska Af-Soomaaliga (Cabdalla Cumar Mansuur, 2012).