Mid Ka mid Ah Labadii Nin Ee Ka Dambeeyay Weerarkii Wargeyska Charlie Hebdo Ee France Oo La Sheegay Inuu Yemen Ku Soo Tababartay

0
28

Paris (Hubaal) Baadhayaasha ku howlan weerarkii Arbacadii lagu qaaday xarunta wargeyska Faransiiska ee Charlie Ebdo ee magaalada Paris ayaa sheegay in mid ka mid ah labadii nin ee hubeysnaa ee weerarka geystay uu tababar ka soo qaatay Al-qacidada Yemen.

Baadhayaashu waxay sheegeen in Saciid Kouachi uu dhowr bilood tababar ku soo qaatay dalka Yemen sanadkii 2011kii.

halyeeyLaakiin weli daliil cad looma hayo in Saciid iyo walaalkii ka yar cherif  oo labadooduba la sheegay in lagu dilay hawgal kala duwan oo ciidanka Boolisku ay ka kala fuliyeen dhinaca woqooyi ee magaalada Paris iyo hawlgal kale oo ciidanka boolisku ay ka sameeyeen goob lagu dukaamaysto oo Iyana koox hubaysani ay dad ku afduubteen, Labada wiil ee walaalaha ah ayaa waxaa aad u garanayay saraakiisha argagixiso la dirirka ee labadaba Mareykanka iyo Fransiiska.

Cherif waxaa lagu xidhay dalka Faransiiska isagoo loo heystay inuu isku dayay inuu u duulo dalka Ciraaq, waxay ku jireen labadooduba liiska Mareykanka ee dadka argagixisada lagu tuhunsanyahay iyo dadka aan duulimaadyada loo ogoleyn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here