Mid Ka Mid Ah Maayarrada Somaliland Oo Ku Dhex Hallaabay Hoteel Uu Addis Ababa Ka Degennaa

0
82

Waxaa uu Ka Baaqsay Xaflad Uu Ingiriiska Kaga Qeyb Gali Lahaa Oo Lagu Soo Casuumay

mayir-maxamed-xusen-maydhane

Addis Ababa (Hubaal/Somalilandrise.com)-  Maayirka Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal Maxamed Xuseen Maydhane  Oo safar ugu ambabaxayay wadanka Ingiriiska ayaa la weriyey in isaga oo transit ku ah magaallada Addis ababa uu kaga baaqsaday xilligii uu diyaaradda ku qornaa kadib markii uu ku dhex hallaabay Hoteelkii uu ka deganaa magaallada Adis ababa.

Maayarka Boorama ayaa sida ay shabakada Somalilandrise.com qortay Halkii Laga Sugaayey Inuu Ka Qayb Galo Xuska Sanad Guuradii 34aad Ee Kasoo Wareegtay Markii Ay Mataanoobeen Borama Iyo Henlay Kuhalaabay Hotelada Ku Yaala Caasimada Ehtopia Ee Adisababa, Arintaasi Oo weji gabax Ku Noqotay Dadweynihii Reer Henley Oo Filaayey In Ay maayarku  Kalasoo Qayb Galo Xus Maalintii dorraad Ahayd Loo Qabtay Sanad Guuradii 34aad Ee Kasoo Wareegtay Markii La Hirgaliyay Mataanaynta Borama.

Xidhiidhkan Labada Magaalo Oo Ah Mid Oo Soojireena Ayaa Lagu Yaqaanay Inuu Maayir Aqoonleh Ka Qaybgalo Xusaskii Loo Qaban Jiray Mataanowga Labada Magaalo,Waxana Laga Walwalqabay In Ay Maayirka Borama Ka Culustahay Masuuliyada Loo Dhiibay,Waxayna Dadka Qaarkood Soojeediyeen Inuu Xuskaasi Ka Qayb Gali Lahaa Maayir Ku Xigeenka Borama Oo Isagu Aqoon Ahaan Aad Uga Wanaagsan Duqa Hada Ka Arimiya Magaalada Boramama.

SI Kastaba Ha Ahaatee Dadkii Wax Ka Ogaa Xidhiidhkan Soo Jireenka Ayaa Canaan Dusha Uga Tuuray Cidii Masuuliyadan Maayir Nimo Jarkakatuurtay Isla Markaana Kulasoo Talisay Dadkii Arintani Khusaysay Inay Degmada Ugurmadaan Kuna Soocelyaan Maamulkii Hore Ama Hawlaha La Xidhiidha Loo Xilsaaro Maayr Kuxigeenka Borama

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here