Uzbek (Hubaal/Aftahan):- Madaxweynihii waddanka Uzbekistan Islam Karimov, ayaa geeriyooday sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha dowladdii uu hoggaaminayey 27-kii sannadood ee u dambeeyey, waxaanu geeriyooday habeen hore fiidkii.
Madaxweyne Islam Karimov, ayaa geeriyooday iyadoo da’diisu maraysa 78 sano jir, ka dib markii lix cisho ka hor uu ku soo booday xanuunka istaroogga loo yaqaanno amaba dhiig madaxa kaga furmay, xanuunkaas dartiis oo loogu qaaday Cusbitaalka, halkaas oo ay Saraakiil dowladdiisa ka tirsani caddeeyeen inuu ku geeriyooday goor gaaban oo galabnimadii Jimcaha ah.
Mid ka mid ah Carruurta uu dhalay Madaxweynaha geeriyooday oo lagu magacaabo Lola Karimova-Tillyaeva, ayaa barteeda ay ku leedahay Shabakadda INISTAGRAM ee Internetka ku baahisay geerida Aabbeheed goor hore oo caawa ah. “Wuu naga tegay, waanan rumaysan la ahay, mana garanayo kelmado aan u xulo.” Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Gabadha uu dhalay Madaxweynaha dhintay.
Waxaa uu ka mid ahaa Madaxweynaha geeriyooday Hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan uguna ad-adag dhinaca maamulka ee Qaaradda Aasiya 27-kii sannadood ee ugu dambaysay ee uu hoggaaminayey dalkiisa Uzbek. Sida uu dhigayo Dastuurka dalka Uzbek, waxaa Madaxweyne ku-meel-gaadh ah noqonaya oo dalkaas hoggaaminaya Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka oo lagu magacaabo Nigmatilla Yuldoshev.
Madaxweynaha waddanka Federaalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa tacsi u diray dalka iyo dadka reer Uzbekistan, waxaanu sheegay inuu ahaa hoggaamiye hal-door ah oo wax badan ka qabtay nabadda iyo deganaansha dalkiisa, Ruushka iyo Aasiya-ba, waxaanu yidhi; “Wuxuu ahaa Hoggaamiye ka qayb-qaatay nabadgelyada iyo degganaanshaha badhtamaha Aasia. Hoggaamiye hal-door ah baa ka baxay dadka reer Usbekistan”.
Madaxweyneyaal iyo Raysal-wasaarayaal hoggaamiya dowladaha kala duwan ee caalamka qaarkood, khaasatan kuwa Islaamka ah oo ay Turkiga, Pakistan iyo dalal kale ka mid yihiin, ayaa ka hadlay geerida Madaxweynihii Uzbekistan Islam Karimov, waxaanay Tacsi u direen Ehelada, Qosyka, Qaraabada, Shacabka iyo guud ahaan Qaranka Uzbekistan ee uu hoggaamiyahoodu geeriyooday.
Raysal-wasaaraha dalka Uzbekistan Uzbek Shavkat Mirziyoyev, ayaa shaaciyey in Aas Qaran loo samayn doono Madaxweynaha Sabtida berri, ka dibna loo samayn doono saddex cisho oo Baroor-diiq Qaran ah, waxaana lagu aasi doona magaalada uu ku dhashay oo lagu magacaabo Samarkand.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com