Mid Ka Mid Ah Mudaneyaasha Waayeelka ah Ee Golaha Wakiillada Oo Ku Baaqay In Musharraxiinta Xisbul-xaakimku ay U Shafeeco-qaadaan Garabka Dibad-meerka Ah Ee KULMYe

0
33

Xildhibaanku Waxaa Uu Weedho Kooban Ku Cabiray qaabka Is Faham Loogu Dhamayn Karo Tabashada Garabkan

“shirkii golaha dhexe ee [KULMIYE] sidii uu u qabsoomay wuu wacnaa, qofkuna xaq ayuu u leeyahay in uu ka maqnaado iyo inuu diiddo, laakiin [intii uu socday] wax  khalad ah oo aan ku arkayay shirku  muu jirin”maxamed cumar jiir

Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa ugu baaqay murrashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye inay walaalnimo ku dhammeeyaan khilaafkii ka dhashay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee toddobaadkii hore qabsoomay. Xildhibaan Maxamed Cumar  Jiir oo  u warramay shalay  Gudgudenews.com oo aanu warkan ka soo xiganay  ayaa waxa uu yidhi  “Rag badan oo qiimo badan ayaa dibada xisbiga uga maqan waa in la baadi doono oo ay ka shaqeeyaan qolada hoggaanka xisbiga haysaa, oo laysku soo noqdo oo haddii khaladaad jireenna waa in  laga wada hadlo oo walaalnimo lagu dhammeeyo weeye oo lays-fahmo ayaa ila qurux badan.” Sidaasi ayuu yidhi Xil. Maxamed Cumar Jiir, waxaanu intaa ku daray Xildhibaanku oo uu  tilmaamay in aanu ku dhex arag wax khaladaad ah oo ku jiray shirkii golaha dhexe Xisbiga KULMIYE ee toddobaadkii hore qabsoomay, waxaanu yidhi  “shirkii golaha dhexe ee qabsoomay wuu wacnaa sidii uu u dhacay, waanay jireen dad ka maqnaa oo ay ahayd inay ka qaybgalaan shirka, qofkuna xaq ayuu u leeyahay in uu ka maqnaado iyo inuu diido, laakiin in taan arkaayay wax  khalada oo aan ku arkayay may jirin.” Ayuu yidhi Xildhibaanku. Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir Oo xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Togdheer ayaa kamid ah mudanayaasha ugu da’da weyn ee golaha ku jira tan iyo markii la soo doortay golahanna sanadkii 2005-kii waxaa uu Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir Ka mid ahaa xubnaha ugu afka gaaban ee aqalkaas ka tirsan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here