Mid Kamid Ah Dowladaha Afrika Ugu Awoodda Badan Oo Iskaga Baxeysa ICC

0
62

charge

PRITORIA:(Hubaal)-:Dowlada Koonfur Afrika ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso in ay uga baxdo kasii mid ahaanshaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC)ee fadhigeedu yahay magaalada Higue ee dalka Holland.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika oo helay xogo muhiim ah ayaa baahinaya in Dowlada Koonfur Afrika ay dooneyso in ay ka baxdo Maxkamadda Caalamiga ee ICC, waxa ayna Koonfur Afrika ku eedeesay Maxkamada in dhinac u u xaglisa oo cadaalad aheyn.

Diblomaasiyiin sar sare oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa la sheegay in u wargeliyeen Qaramada Midoobay tallaabadan ay qaadayaan , waxaanay ku eedeeyeen Maxkamadda ICC-da in ay ka xagliso dalalka Afrika.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay heleen Nuqulo muhiim ah oo ku aadan qorshaha Koonfur Afrika ku dooneyso in ay uga baxdo Maxkamadda ICC, walina madaxda dalkaasi kama aanay hadlin qorshahan ay uga baxayaan Maxkamada Caalamiga ee ICC.

“Dowlada Koonfur Afrika waxay garawsatay in xilka ay iska saarto sidii si nabdoon xal loogu heli lahaa colaadaha jiraa aanay mararka qaarkood is waafaqayn fasiraadda sharci ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga” ayaa lagu sheegay qoraalka Koonfur Afrika gudbisay.

Dalka Koonfur Afrika Sannadkii hore iska diidday in ay xidho ayna u gudbiso Maxkamadda Caalamiga Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, oo ka qayb galayay shir-madaxeedkii Midowga Afrika oo ka socday magaalada Johannesburg.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ICC ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aysan dhax dhaxaad aanay aheyn , ayna inta badan ku xadgudubto madaxda iyo Siyasaiyiinta Qaarada Afrika halka Wadamada kale Yurub aysan sidaa u faro galin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here