Midawga Yurub Oo Lacag Badan Ku Bixinaya Sidii Ay U Badbaadin Lahaayeen Saliidda Seytuunka

0
47

Brussels (Hubaal/Wararka) Midawga Yurub ayaa siinaya lacag dhan toddoba milyan oo ah lacagta Yuurada si looga hortago cudur faro baas ku haya saliidda seytuunka. Lacagtan ayaa lagu bixin doonaa sidii cilmi-baadhis dhammaystiran loogu samayn lahaa dulinka keena cudurka oo loo yaqaanno Xylella fastidiosa. Khubarrada ka soo qayb gashay shirkan ayaa isugu yimid magaalada Brussels si looga wada hadlo sida ugu suurto galsan ee loo badbaadin karo dhir badan oo saliiddan laga helo. Cudurkan oo markii ugu horreysay lagu arkay waddanka Talyaanigi sannadkii 2013 dii, immika waxa kale oo lagu arkay koonfurta Faransiiska. Saynisyahannadu waxay sheegayaan in cudurkani yahay kii ugu xumaa ee soo waajaha adduunka oo dhan isla markaana ku habsada dhir waxtarka saliiddooda caalamka oo dhan laga manaafacaadsado. 27897F5900000578-0-image-a-15_1428971909828Midawga Yurub waxa uu waa isha ugu weyn ee soo saara saliiddan seytuunka. 66% waxa saliiddan dib u isticmaala reer Yurub. Sida ay saynisyahannadu tibaaxayaan bakteeriyada keenta cudurkani kuma koobna oo keliya saliiddan ee xitaa dhir kale ayay u tallaabi kartaa haddii aan si dhakhso ah looga hawl galin. Stephen Parnell oo ka socday jaamacadda Salford ayaa yidhi, “Waxaanu diiradda ku saaraynnay sidii aanu u ogaan lahayn meelo uu ka dilaacay cudurkaasi iyo dhir uu haleelay.”Dr Parnell oo ay waraysatay BBC Word News wuxuu sheegay in ay beegsanayaan meelo badan si ay u ogaadaan khasaaraha dhabta ah ee uu geystay cudurkani. Ugu danbeyntii, saynisyahannadu waxay sheegeen in tilmaamaha taban ee cudurkani dhirta ku keenaa ay ka mid yihiin, geedkii oo isku soo koga, kaddibna qalala kaddibna dhinta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here