Gabaygan Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu ugu ducaynayaa siyaasigii Marxuum Maxamed cabdi Iskeerse oo bisha 18 may 2016 ku geeriyooday Magaaladda Hargeisa, Somaliland.
Gabay: Iskeerse Wuxuu yidhi sidan:
Ruux kastoo illaahay khalqaa, iilka wuu geliye
Maantana iskeersaa qabriga, loo abaabuliye
Ayaankiisa rammadaan bishaa, kayr la oofsodaye
Waa ammuur illaahay xisaab, uu ogaal yahaye
Anoo ararta dheerayn haddaan, ubucda soo gaadho
Dhammow udub-dhexaad wuxu ahaa, oogta noo bixiye
Xisbigoo abaydina iyadoo, unug xilkii joogo
Hal adayg intuu maalbaxshee, uu arriminaayey
Ama ila-xidh noo sii goglee, uunku imanaayey
Aqal wada ugbaad badan raggii, ku istareexaayey
Ninkaan looga maarmayn ardaa, la ol’olaynaayey
Musdanbeedka oday buu ahaa, aag na daafacaye
Arrin aan rugtaa lagu dhamayn, noo ansixi waaye
Haddii aad inkiraysaan runtaan, ku adimaayaaye
Ol’ollaha halkii uu ku jiray, waad ilowdeene
Inkastoo abaal uu lahaa, aadmi laga waayey
Il-duufkii ku dhacay aadanow, waan ogsoonahaye
Ajar wuxuu illaahay ku siin, aakhiraa wacane
Waxba yaanan eel hoose qodin, kala irdhoowaane
Doorashadda kolkii loo ordaye, aayar dhalan weyday
Ee ililigtii lala ordaye, ay aflixi weyday
Ee uubateyntii Kulmiye, uu af-kala-qaaday
Ee uu albaabada xisbiga, oodda lagu jiiday
Ee waar fulaa aamusee, eed ka baqi waayey
Oo qaar il-gibidh leyn badnaa, ka an fariiraysay
Hal-adayg hal uu baani jiray, erayadii dooda
Haddaynaan anbinahayn wuxuu, ayro kula raacay
Ol’ollaha halkii uu ku jiray, waad ilowdeene
Hayeeshee ifkii dhaxal ku reeb, lagu ammaanaaye
Anigoo xogtaa wada ogtiin, aragtidii sheegay
Eebbaan ducada tuugaynaa, way anfacaysaaye
Eebbow ergaan wada nahoo, waad ajiibtaaye
Adduunka iyo aakhiro adaa, uumay oo jira e
Jannadana albaabada adaan, ooddin oo fura e
Ololkiyo caddaabtana adaa, aadmi noo diga’e
Amarkaaga eebbow adaan, idan u baahnayne
Aqbalkiyo ammuuraha adaan, ooman kuu nahaye
Marxuumkaa iskeersana aduu, yahay addoonkaaye
Adigaa ogaalo cidnaba, amar ku siinayne
Ajar ruux hadduu falo adaan, iin la doonayne
Anbiyada xaqaad soo fartana, waa islaamnimo e
Denbi badan annaga oo gefnana, waad asturaysaaye
Raxmaddaada oo badan arladu, aamin noo tahaye
Ergadaanu wada doonayniyo, aaska wada joogno
Allahayow ilayskii u daar, iilka gudahiisa
Allahayow irridihii jannada, ilo biyoo raaxo
Allahayow su’aal aan adkayn, aadmi baan nahaye
Aqbalkana rabbow qawl san oo, la anfariiraynin
Inta noolna eebbow khalqigan, ee islaam toosan
Markaan dhimano eebbow annana, erayga noo toosi
Aamiin, Aamiin
Sharaxa Erayada ugu adag ee gabayga ku jira.
- Oofsodaye =Illaahay dilay oo nafta ka qaaday
- Oogta = Dabka ardaaga laga shido ee la kulaalo, qof lagu diirsado
- Ila-xidh = Docaha daahyada lagu kala xidho, ama qolol lagu kala shiro guri
- Aag = jiho laga hawli ka socoto sida ol’olle ama dagaal.
- Uunka = Dadka, dad badan oo kala duwan
- Indhoo= kala irdhoobaan=kala shakiyin, kala durkin
- Uubateyn= Qayla dheer dhibaata jirta, ka ka caay,
- Il-gibidh= Qofka oo marka uu cabsado indha biyo kusoo joogsadaan
- Ayro= Hasha caanaha badan, macnaha gabayga ugu jirto tacabkii xisbi.
- Uumay= Illaahay abuuray, Abuurida eebbe wax kasta abuuray.
Email.saadroodhiile@gmail.com