Midhaha Gabay Abaal Gud Ah Oo Abwaan Cabdiwaaxid Ku Cabiray Saymihii Uu Galay Iyo Hayal-samida Dadka reer Boosaaso

0
704

“Gar talawga Maankiyo markaan Gabi Dhacleynaayo

Ee Arrintuna Gun-gumo Yeelatee La Isku Gacan Qaado

God-dhaw iyo Annaa Goynayiyo Guux Markay Dhaliso

Darbaa Xubinka Gaw-gawdha Goosan Weligoode

Godka Hadalka Waa Niman Helloo Ciddi Ku Gaadheyne”

Xog-warankii Gama’diid Ee Gurmadka Suldaanka iyo Gelbiskii Ka Dembeeyey

abwaanka iyo suldaan maxamedHargeysa (Hubaal):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa soo gaadhay shalay magaalada Hargeysa kadib markii uu  kusoo guiuleystay in uu Maamul goboleedka Puntland kasoo furdaamiyo a Abwaan Cabdi-waaxid Cali Gamadiid oo muddoku xidhnaa xabsiyada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.   Suldaan MAxamed oo uu weheliyo Abwaan Cabdi-waaxid  ayaa shalay ka soo degey dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ama soo cago dhigtaan ee caasimadda Hargeysa  halkaas oo ay ku sii  sugnaayeen dadweyne iyo madax dhaqameed kala duwan oo soo dhawayn kala hor tegey.

Maxay Ahayd Sababta Puntland loogu Xidhay Abwaanka?

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo ah nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu muddo bilo ah ku xidhnaa Xabsi ku yaallay Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland, isaga oo lagu eedeeyey xagjirnimo, waxaana 13kii bishii shanaad ee sanadkan Maxakamada Boosaaso oo la soo taagay ku eedaysay in uu suugaan ku taageeray xarakada Alshabaab, “Waxaanu ku tuhun-sanahay, ama aanu u haynaa Taageero, inuu u yahay Ururka Al-shabaab, waana nin Fikerkiisa Cabira” ayaa lagu  sheegay eedo uu Sarkaal ka tirsan Puntland ka akhriyey Maxakamada.

Gurmadii Suldaan Maxamed Ee Abwaanka, sidii loo qaabilay iyo sagootintii Habeen Hore

Qaar ka mid ah isimada ugu caansan Deegaanada Puntland ayaa  habeen hore   kulan sagootin ah magaalada Garoowe xarunta Puntland ugu sameeyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Diiriye kadib markii ay u soo dhamaatay hawshii soo deynta Abwaanku waxaana kulan loogu sameeyey guriga Maayarka Garoowe ka qayb galay wasiiro ka tirsan maamulka puntland, madax dhaqameedyo, aqoon yahanno iyo dadweyne kale, halkaas oo sagooyintiisa laysku weydaarsaday hadalo daarnaa xidhiidhka labada ummadood iyo is kaashiga dhaqan ee ka dhexeeyey madaxda dhaqan ka ee labada deegaan.  Soo dhawayntii Hargeysa ee suldaanka iyo Abwaanka

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa markii ay shalay soo gaadheen Hargeysa waxa  Si weyn u soo Dhaweeyey  boqolaal Dad ah oo isugu Jira Aqoonyahan Dhalinyaro Haween Abwaano iyo haldoor kale.

Suldaan Maxamed oo qolka nasashada ugu warramay warbaahinta ayaa u mahad naqay hoggaan dhaqameedka Puntland isaga oo sheegay in si hal karaannimo leh ay uga hawl galeen hawsha uu socday bilow ilaa dhammaad. Geesta kale Abwaan Cabdi Waaxid  oo isna halkaas ka hadlay ayaa dareenkiisa ku cabiray Gabay uu kaga hadlayso sii deyntiisa oo isugu jira  mahad naq, awaala waran iyo hoga tus, waxaana gabaygiisa uu ku bilaabay sidan:

 Gadh-caddaagu Siduu Iigu Warramay Ama aan kasoo Gaadhay

Majeerteenku waa niman gob ah iyo duul garaad badane,

Waa Boqortooyo Guun iyo Saldannad aad u Geddo-weyne

Waa Niman Illaahay Galladay gees kastay tahaye

Inta Geellu dheeryahay Lo’diyo Gaabannow adhiga

Intaasay khalqiga guud ka mareen, Laysma  Gaasiro’e

Abwaannada waxbaa Laga Guntaa yaad Galoof noqone

Soomaalida Ninkii Guur damcoow Yaanad Gees Marine

Meel uu Gu’gu ku dhacaybaan Ogahay Geedo Qariyeene

.Haddii aad Dhabeel Gaar ah iyo Goolale Dooneyso

Waa in uu hiyigu kaa galaa Guri Majeerteene

Anna Gooshkan Waxaan Maaganahay In Aan Ka Gaataaye

Waa Niman Martida Gooman iyo Gacalkaba u Roone

Gool bey u Loogaan Nimaan Gaajo Weyn Qabine

Gasiinka iyo xeedhyaha Gimgiman Daribta Geedeysan

Galxoodyo Karuurkiyo Lisiyo Gocay Dhannaankeeda

Waa Niman Sooryada Gobeed Ciddi Ku Gaadheyne

Waa Niman aan Gaajadaba Maqal Geeluna u Dhalaye

Gartayoo  Xaajadu markay Geedka Hadal Joogto

Gar talawga Maankiyo markaan Gabi Dhacleynaayo

Ee Arrintuna Gun-gumo Yeelatee La Isku Gacan Qaado

God-dhaw iyo Annaa Goynayiyo Guux Markay Dhaliso

Darbaa Xubinka Gaw-gawdha Goosan Weligoode

Godka Hadalka Waa Niman Helloo Ciddi Ku Gaadheyne

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here