“Xaaraan Maqdacaa Mubaax Noqotoo, Musuq Bay Ka Dhisteen Mandaradaha Oo, Mas’ Uul La Dirtaa Miskiinka Dulmiya” – Tuducyo Ka Mid Ah Maansada MISKI Oo Macne Badan Xambaarsan
“Iimaan madhan baa masiiba ahoo, Muskiyo ma’arkaan maraa qodaxloo, Maydkiyo matabaan marxuunka dhintoo, Kuwii mamay baa hadhow mergadoo, Laf meel xun istaagtay baa makashoo, Mawdkii dililaa maqnaan maayee”
Bulshadaan mudda dheer u macallin ahaa.
Maansheeyay sidii mahiigaan.
Hadday murtidii ka madhantahay.
Maroorsaday maakhadiyo tuug.
Rag maali og baa markaha u cushoo.
Miciinkeeda maandhow way necebtoo.
Cashuurba mudduu u miisaayoo.
Waa kii maskaxdiisa maal siiyoo.
Maahmaah ka sameeyay mahadho ahoo.
Cabdibaa ku metelay miroodka lo’dee.
Hadduu maqalkii musbaar kaga jiro.
Milgaha calankiyo midnimadaba.
Haddaanay u muuqan maaree.
Qabyaalad masayrtay haw muhatee.
Wakaa muruqoodi maadh ka qadshoo.
Minjiyo madaxtoona garanmaynoo.
Maroodi u maydhi karimaynee.
Mur iyo dacar mawjadaha lidiqa ah.
Mabda’aa lagu jabay mashruuca xilka leh.
Ruuxii ku milmaa xumaan martiyee.
Hamoodin inuu macaash ku jiroo.
Intoon dhiig ka miirto maatida.
Maryahaan ku tukado marmarinmaayee.
Jidiinka madaw nafyahay hamaqline.
Wataa mustaqiimkii laga maarmoo.
Xaaraan maqdacaa mubaax noqotoo.
Masuul la dirtoo miskiinka dulmiya.
Magaratada maalkii baa hodayoo.
Musuq bay ka dhisteen mandaradaha oo.
Madluuna macbuudku waa ogyehee.
Iimaan madhan baa masiiba ahoo.
Muskiyo ma’arkaan maraa qodaxloo.
Maydkiyo matabaan marxuunka dhintoo.
Kuwii mamay baa hadhow mergadoo.
Laf meel xun istaagtay baa makashoo.
Mawdkii dililaa maqnaan maayee.
Mar baa iman doonta uu mudayoo.
Naftuba maararowgu waa maalmee.
Marinka hakategin la mahadinayoo.
Jannadaa malab iyo macaan badan lehe.
Maalintay darantee miciinka dhabta ah.
Mursalka Alle doortay oo Muxammada.
Inaan madashaa maciisa noqdoon.
Xawdkiisa magaabsho kama maarmee.
Macnaha fahanoo nafyahay maqaloo.
Mursalkuu Rabbi keenay Mawliid.
Miski baa ifka yimi markii uu dhashoo.
Dhirtii muruxdaa magool bixisoo.
Muslinkii maqlay baa muraaqoodoo.
Gaaladaa murugiyo madluun ku dhacoo.
Anigu ma’oggoli maqaar-saarkee.
Manidii laga tuujay Maxamuud iyo.
Marwadii Faadumaan maceeda ahoo.
Midhihii Cali baan illeen ka midoo.
Awoowgay mudanaa ammaan mulkiyee.
Milayguu di’i jiray raxmaadka maraa.
Mirayuu garamaale mayracayoo.
Maal oo cuskadiyo midhaaf ku da’oo.
Xareeddu moqorkii haraa millidoo.
Maadhiyo dixidii muggeed u baxdoo.
Man uunsaday ubax majeeranayoo.
Sidii Maacaleesh ku maan-qaadiyo.
Himirtoo malabliyo midhcaantii.
Midhaa dhebigiyo madheedhkiiyoo.
Hoobaantu masawday madaxii.
Magoolka dhirtiyo cagaar mudmudoo.
Aan maal cunin meersi kolay tahay.
Miyiga soke iyo magaalada.
Cirkoo muddo iyo dharaaro maqnaa.
Mayaygoo curtay maalin iideedoo.
Muunidiina ka qaaday maansha Alloo.
Dadkii masallaha mushaaxaayoo.
Xariirtii Makiyo maryii la xidhoo.
Muslinkii tukiyeen musheekhdiiyoo.
Fooruhu ku masruufo milicsiga oo.
Shan kastooy marsadaan malyuun cadarro ah.
Intaasu madad iyo macnoba malahee.
Waxaan marag iyo markhaati ka ahay.
Macbuudkaa ka sameeyay maawarad oo.
Udgoon aan maydhmin Muxammad baa helay.
Magaanku magaadho maal la dhacee.
Manaayaha maydalkaa xarbiyoo.
Miidaanka halista ah mucduu u galiyo.
Geesiga miiggan baa dhufayska mutee.
Maalkay kor u qaadday maayadi.
Rag baa dhex muquurta mawjadahee.
Anigu meel sokaan iskaga maydhane.
Illeen ma aqaan murtida la tirshoo.
Shantayda midh waan mutuhinaayee.
Maansada aan lugggooyo miimka ah.
Maqribkoo galay maalin dabadeed.
Isagoo ka mulkiyay maqaamkii.
U muruxsaday miiladiisii.
Dayaxooy soddon midab macsuumeenoo.
Daruuro malaasan meegaartoo.
Caddaan uu muquurtay maarriinoo.
Maydhaan ku sameeyay muuqiiyoo.
Miskeeday yidhi sagal macaan badanoo.
Mareego ku yeeshay madaxii iyo.
Miliilicay maydal qoor dheeroo.
Cagaar magansaday mucda u galayoo.
Maamuusay madow qardhaaso lehoo.
Ximir aan iska maydhin caad miray iyo.
Mataano yihiin mas-ciideed oo.
Maalay iyo xaydh mullaaxsaday oo.
Maslaxanaaya dhiin masayr galay oo.
Mukhayntii ka yeeshay maasha Alloo.
Cawlaan la madaystay xoosh makaloo.
Muquunshay intaanu moos odhanoo.
Mudkiyo isku loohay maydhaqa oo.
Ka milicsaday meel agtiisa ah iyo.
Sugul uu majeertay mee yidhi oo.
Casuus ka maqnayd u muhanaayoo.
Meehaahay intuu ku maax-dumayoo.
Jeegaan isku maray macawisa leh.
Intaa soo midab oo malkada degay.
Dayaxoo maris-dhebay u muusa-qosloo.
Midhaafay dhexdooda madashaas oo.
Salaanta ku maalay midigtiisoo.
Leebabkoo mudacyiyo maxaadho sidiyo.
Madagtuu ku dhejiyo qodxii ku mudoo.
Mihiimsiiyay nuurkii oo milanoo.
Marriimay midduu ka caashaqay oo.
Murriyad iyo sudhay makaawiba oo.
Casaan mardhacyo leh marta u furatoo.
Intay marxabbaysay maamuustoo.
Isagoon mufti iyo wadaad u meherin.
Macsina aan samaynin muran li’i.
Mafsuuday intuu muraadsaday oo.
Halkaa madadaalo muush noqotoo.
Ururku u malxiisay maalmo yar oo.
Mashxarad xiddiguhu madiixeen oo.
Mahiigaan hillaac ku maansheeyoo.
Miish miishay fallaadho mawjadahoo.
Fad miliqsaday miidadawsaday oo.
Onkodku maqal gaaban meexaanshoo.
Miyuusig garaacay mahadho ahoo.
Mii reeda ka taabtay meel dhexe oo.
Madaha dhigtay moosinkiisiiyoo.
Maaxaaya macsuun Rabbaaniya oo.
Nuurkaa mashaqeeyay maamulayoo.
Macaansaday malabkii Doocaan oo.
Ku mahad-naqay maadhka uu helay oo.
Mahdigi keligii u soo maray oo.
Mood iyo ka baqayn madoobaad oo.
Quruxdaa miidhan iyo iftiinka mudh-baxay.
Mariiqa fog iyo malluug aan dhaweyn.
Intay muxubada muraaqoodeen.
Markay martiyeen masuug maahee.
Midnimo ugu qaybshay miisaankoo.
Dhammaan ka maseeyay maal-bixintoo.
Minankooda ku siiyay muunada oo.
Shankastooy muunaddaa indhuhu mahadshaan.
Intaasi madad iyo macnaba malahee.
Waxaan marag iyo markhaati ka ahay.
Mudanoow nebigaa ka muuq dheer.
Masalo adag oo minhaajka ku taal.
Marsada cilmiga ah muftaa furfura.
Marwada fiican baa majeero geyda.
Hashii moholinaa martida deeqda.
Soortana milixdaa macaanaysa.
Rag baa maaxda oo mataano rogoo.
Suugaanta mugga weyn in baa murtisee.
Anigu ma aqaan murtida la tirshee.
Shantayda midh waan mutuhinaayee.
Maansada aan luggooyo miimka ah.
Maqdis baa looga yeedhay Maxammuudoo.
Geenyaa sida miig cirkaa la martoo.
Malaggii la socdaa iskaga maagoo.
Madashii carshiguu macsuun ku noqdoo.
Millad baa Rabbigeen muhiimsiiyoo.
Quraankoo mucjiso ah ayuu milkiyoo.
Maskaxdii dunidoo masuulka runta ah.
U macallina mayti iyo xay.
Mawlahaa kor u qaaday magaciisoo.
Waxaan marag iyo markhaati ka ahay.
Makhluuqa inuu u mudanyahay.
Hadraawaa mahwiyoo xaqeeda marshoo
Dacar baa sida mayl madfaca laliyoo.
Guuleed buu ku mannaystay Mawluhuyoo.
Axmed baa hal-muceedka miisaamoo.
Qays baa sida mayay u maansheeyoo.
Meexaamiye Aadan baa mudh-baxshoo.
Dheeg baa manka iyo midhaa ka gurtoo.
Tix-maalka Calaa mahoobiyay oo.
Markuu maago Muuse looma hayoo.
Shaacir baa majaraha u miina-dayee.
Aniga maarrahaygu meel matagoo.
Illeen ma aqaan murtida la tirshee.
Shantayda midh waan mutuhinaayee.
Maansada aan luggooyo miimka ah.
Mushaaxa iftiinka maalmo yar.
Aadmiga marayaa ma waaraayoo.
Mulkiile markuu adduunka masaxo.
Makhluulu dhammaan maxsharka tubanyahay.
Dadkoo muddug ihi maryo xidhnayn.
Surmiyo macaluul la miinyo xunyee.
Milicdu u timaaddo madaxyada’ee.
In maalliyo kii madhnaan jiray iyo.
Intii madaxiyo miskiinnada.
Dhammaan masoyiin midnaba waxba hayn.
Naf iyo waxay mudan is moogyiin.
Loo miiso waxay mutaysteen.
Xubnuhu marag iyo markhaati noqdaan.
Maalintaan muran iyo makeeki jirayn.
La kala madho muumin iyo gaal.
Abaal-marin Muhanigaa siiyoo.
Muslinku waxay heli mushqaayadahee.
Muftaaxa Jahanama munaafaq sitiyo.
Murtadka urayee malcuunada.
Mulxidka ragga yidhi is mehersada’ee.
Galmada ka metela mubaashiga’ee.
Macsida ku sameeya miidaankee.
Todoba marxal oo mid ciid tahay.
Kalaabta laga maydho muudsada’ee.
Allaha Maaligga ah majiro yidhi’ee.
Minhaajyada dhigay musqulihiiyee.
Gaalada mardafka leh Ilaah madhi.
Mursalka Alle doortay oo Muxammada.
Midh laga waaga eed marmariya leh.
Kuwaasi masiibo waw madhaxoo.
Iyagaa ku macsuuman naaro muglee.
Macbuudka Alle aan magansanayoow.
Inkastoon Maka iyo Madiinaba tegay.
Faralka ka maqnaan miskiidada oo.
Soonkana ku mintido markaan ladanahay.
Sakada ku masuugin maal-hayn.
Ma moogi inaan madmadaw badanoo.
Miciinkaagu waa mid mawjadahoo.
Addoon ku martiyay midhee maqadee.
Dembigaanu maleegnay naga maydhoo.
Dhammaan muslimiinta maamuusoo.
Jannadaada macaan ha noomiyin.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
Abwaan: Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan (Xasan-Ganey)