Milicsiga Dhacdooyin Ku Lifaaqan Iscasilaaddii & Hulleelkii Xagjirka Dawladaysan Oo Soo Taxnaa Illaa 2011-kii

0
26

Sannadkii 2011 wuxuu ahaa sannad aad u adag oo Somaliland – yar iyo weyn  ay garanwaayeen sida xalka dawladnimo uu uga shaqaynayo Somaliland. Arrimaha markaa ugu waaweynaa  waxaa ka mid ahaa:

Wasiirkii hore ee  Madaxtooyada  Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo albaabka madaxtooyada fadhiistay kana hor istaagay siyaasiyiintii iyo waxgaradkii in ay la kulmaan Madaxweynaha Siilanyo.  Dalkii wuxuu noqday mid u afduuban Xirsi. Gobolladii bariga oo la dayacay islamarkaana laascaanood laga dhigay saylad lagu gawraco shaqaalihii Somaliland. Intaa waxaa dheer, in Xirsi uu si badheedh ah uu u sii daayo – mar walba- dadka loo soo qabto in ay ka dambeeyeen dilalkaa. Xisbigii Kulmiye oo laga dhigay makhaayada yar oo daabiyad yar ku taal, islamarkaana wax la weydiiyaa aanay jirin. Waxaa intaa dheer dadkii xisbiga laga magacaabay ee xukuumaddii Silaanyo lagu daray in ay ahaayeen kuwo fajac iyo amakaag ku ridey dadweynaha iyo hoggaankii xisbigaba. Axsaabtii Somaliland ee kale sida UCID iyo hadhaagii UDUB oo khalkhal iyo wareer la geliyey. Albaabkii Madaxtooyada oo noqday mid u furan oo keliya ashkhaas gaar ah iyo  wasiirro uu wato xirsi iyo qaar ka mid madaxdii Baarlaamanka oo aaminsanaa mabda’ ah “ku shaqayso oo la shaqyso”. Wasiirrada Xirsi iyo mudanayaashii uu watay waxay qalalaase aan demin geliyeen hawlihii ganacsi iyo amni ee Berbera, Gebiley, sool iyo Sanaag, Burco iyo Awdal oo idil. Dagaalkii kalshaale ee dhiigga badan ee aan loo baahnayn uu ku daatay ka mid ayuu ahaa. Xirsi iyo xulafadiisu waxay boobeen hantidii qaranka; waxay iibiyeen dhulkii iyo dhismayaashii dawladda; waxay la wareegeen qandaraasyadii kale ee la xidhiidhey dhismayaha iyo waddooyinka dalka iyagoo u xilsaaray xubnahooda ka shaqeeynjirey hawlaha boobka iyo dhaca. Waxgaradka, oday dhaqameedyada, bahweynta saxaafadda iyo siyaasiyiinta Somaliland dhammaantood waxay in badan caddeeyeen in ay jirto koox xagjir ah oo afuudbtay majarihii dawladnimo ee Somaliland. Waxaa daliil cad u ah hadalladii ka soo yeedhi jirey Mudanayaasha kala ah Faysal Cali Waraabe iyo odayaasha dhaqanka oo uu ka mid Boqor Buur Madow. Arintani waxay walaac gelisey dadka nabadda jecel, hay’adaha caalamiga ah ee amniga qaabilsan, dalalka caalamiga ah iyo kuwa deriska ah, gaar ahaan Ethiopia oo in badan ka digtey khatarta ku soo food leh xasiloonida siyaasadeed iyo tan horumarineed ee dalka Somaliland. Waxaa xumaaday xidhiidhkii dibedda ee ay Somaliland la lahayd beesha caalamka.xan wasiiro

Maxaa Ku Soo Kordhay Saaxadda Siyaasadeed Ee Somaliland?

Xagjirkii Xirsi madaxda uu ahaa ayaa hal mar  iswada casilay ka dib  shan sannadood oo ay madaxweynaha tunkiisa iyo awoodda dawladnimo ku daaqayeen, ummadana  ku waxyeelleyneyeen.

Xagjirku waxaa ay Madaxweyne Siilaanyo u arkayeen sallaan iyo awood ay kula wareegaan dawladnimada waddanka Somaliland. Waxyaabaha xusida mudan ee ay garabkani dhaxalsiiyeen hanaankii geedisocodka dimuqraadiyada waxa akamid ah in ay dhaawac u geysteen dhaqdhaqaaqii  Xisbiga Kulmiye oo waqti xaadirkan uu Waa cusubi u beryey, diihaalkii iyo burburkii hore ee xagjirku u geysteyna maanta ka bogsadey, kaasi oo ah mid si buuxda uga soo kabtay dekanooyinkii xagjirka. Maanta Saxalkii wuu baxay, iscasilaadda kooxdanna   waxaa uu muujiyey dareenno ka dhashay qorshahooda kaasi oo ku arooray layskuna raacay in uu ahaa inqilaab dhicisoobay  oo kooxdan xagjirku damacsanayd in ay ku af duubto dalka. Arrintaa waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo isagu markii ay is casileen ka daba hadlay isaga oo ku tilmaamay in Inqilaab ay tahay,  waxaa uu ahaa inqilaab dhicisoobay oo   looga sheekeynmaayo Boqor Buur Madow sheekada xagjirka maadaama uu wax badan ka digey khatartooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere oo dhawaan hadlay- isagoo eedeynaya Madaxweyne Silanyo iyo Xisbiga Kulmiyaba islamarkaana difaacaya xagjirka- wuxuu bannaanka soo dhigey in ay jireen goddob ay kooxdan  ka gashay Qaranka Somaliland waxaana godobtaa geliyey ayuu leeyahay Madaxweyne Silanyo. Xildhibaanku wuxuu ka soo horjeestey go’aankii saxda ahaa ee madaxweynuhu qaatay ee dalka lagu badbaadinayey. Xildhibaanku wuxuu hadlay wakhti uu madaxweyne Silaanyo ummadii ka badbaadiyey dhagartii iyo waxyeelladii xagjirku la damacsanaa Somaliland islamarkaana uu garabkoodii ka baxay. Nasiib-darro Xildhibaanku isagaa maant isku daabacay sham-baddii Xirsi. Hanjabaadihii ka soo yeedhayey xagjirka waxaa ku soo biiray hanjabaad uu jeediyey siyaasi lagu magaacaabo Kijaandhe. Wuxuu hadalkooda welwel iyo walaac geliyey inta danayneysa xasiloonida iyo nabadda Somaliland. Hanjabaadahani markey dhaceen waxa islamarkiiba la arkay wefdi dawladda Ethiopia ka socda oo kala shiray Madaxweyne Silanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye arrimo la xidhiidha amniga.. Beelaha Harti Bari, gaar ahaan reer Laascaanood waxay sheegeen in Guddoomiyuhu soo gaadhay Laas-caanood 1991kii isagoo ah oday nabad raadinaya sidoo kalena uu soo gaadhey 1993kii isagoo ah Wasiirka Arrimaha. Waxay rumeysanyihiin in uu guddoomiyuhu yahay nin karti iyo hal adaygba leh kuna filan in uu dalka cadowga xagjirka ah ka qabto, waddankana badbaadin kara islamarkaana ummada kala yaacdey isu soo ururin kara. Wuxuu dadweynaha Harti Bari doonayaa in nimanka xagjirka ah lala xisaabtamo maxkamadna la soo hortaago si ay tusaale ugu noqdaan ciddii dambe ee damacsan in ay ummada boob, dhac iyo dilba ugu geystaan awoodda loo igmado. Codka dadku waa muhiim waxaana u xilsaaran arintaa oo laga sugayaa Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyayaasha axsaabta kaleba oo iyaguba dhibta dareemay shacabka.

Talo Bixin Ku Wajahan Xisbiga KULMIYE iyo Dawladda

 -Waa in si dhab ah oo aan dhayalsi lahayn loo qaata hanjabaadaha xagjirka ka soo yeedhay. Waxaa loo baahnyahay in loo diyaargaroobi khatartaa iyada ah si fiicanna loo waajaho.

-Xisbiga Kulmiye iyo axsaabta kaleba waxaan usoo jeedinaynaa in xubno wax ku ool ah oo aan xagjir ku abtirsan loo magaacaabo deegaannada Awdal iyo Harti Bari.

-Waxaan kaloo uga digeynaa axsaabta siyaasadeed in aanay qaadan lacagta xagjirka ee tartanka doorashada lagu kharashgareeyo. Lacagtaa waxa eeday Madaxweyne Siilaanyo markii uu is sharraxayey waana tan keentay ibtillada maanta dhacday ee khatarta gelisey waddanka.

-Waxaan kaloo ka digeynaa in axsaabta siyaasadeed aanay xubneheeda ka mid noqonin xagjir.

-Dadweynaha Somaliland, dalalka deriska ah iyo beesha caalamkuba wey yaqaaniin xubnaha xagjirka ah ee Somaliland muddo daaqayey. Haddii xisbi uu soo dhaweysto islamarkaana uu miciin bido xubno xagjir ah iyo lacagtooda waa inuu haddeerba sii ogaadaa inuu cidlo fadhiisandoona lacagtoodana uu eedidoonaa. Shacabka Somaliland wuu eedey lacagta xagjirka ee lagu gumeystey iyaga iyo

Allaa Mahad Leh

Baadhista iyo xog ururinta  Madasha Maddanaha Wacays

Faallo iyo xidhiidh: hersi158@hotmail.com

https://www.facebook.com/faysal.xawte

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here