Milicsiga Xogo Dahsoon Oo La Xidhiidha Shakhsiyadda Aasaasaha Koowaad ee Xisbiga WADDANI

0
72

Images-CIRRO12

Diiwaanka Taariikhdu waa mid furan Qalinkuna waa mid u diyaara in lagu qoro dhacdooyinka Maalinlaha ah ee Qadarka Eebe ku socda, Sidoo kale Diiwaanada Taariikhda waxaa ku qoran Boqoro, Madaxwaynayaal   Masuuliyiin iyo Gudoomiyayaal.  intii Dunida guudkeeda la joogay Bulshooyin soo Xukumay  waxaana  Qarniyo iyo Sannado danbe Diiwaanada  Taariikhda lagu xusaa Hab Maamulkiisii  , intuu Badhaadhe iyo Horomar gaddhsiiyay Bulshadii uu Xukumayay ,intuu Danta guud ka Shaqeeyay uu Guulo ka soo hooyay ,intuu Higsigii Bulshada u Hawl galay kana midho dhaliyay, Intuu Xagal Daaciyay uu Hadafkii Bulshada Marin habaabiyay  ,intuu Hagardaamooyin u gaystay uu kubka   iyo intuu Habqan iyo Habaas Dalka Galiyay.  Araartaa aan gundhiga uga dhigay qormadaydu halkaa ha joogtee waxay maanta  diiradaydu  saaran tahay Aasaasaha Koowaad ee  Xisbiga Mucaaradka  Wadani ahna Murashaxa  kaliya ee u taagan  Kursiga Madaxwaynaha ee  Xisbiga Wadani  ahna  Gudoomiyahii ugu mudada dheer  ee  Golaha Wakiilada soo mara sida ku cad Sooyaalka C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro  Sanadkii 1981 waxuu  noqday Madax Qaybeed  Waaxda Iskaashiga iyo Dhaqaalaha ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya  halka Sannadkii 1988 uu u dalacay Qusulka Koowaad  Safaarada Soomaaliya ee Ruushka  isagoo Xillkaa hayay ilaa 1991 burburkii Soomaaliya ka dib  mar kale C/raxmaan Cirro waxuu Shann Sanno ahaa sii hayaha Safaarada Soomaaliya ee Ruushka. 1996 ilaa 2001 Gudoomiyaha Golaha Wakillada sida ku cad Sooyaalkiisa  waxuu  daganaa Dalka Finland isagoo shaqooyin kala duwan ka soo shaqeeyay sida Xoghayaha Soomaali Social Democratic Party , Hanti Dhawre Hay”adda  Immigration forum Finlad, Project Assistant IOM Finland mar kale waxuu ka mid ahaa Aasaaseyaashii  Xisbiga Ucid isagoo noqday Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Ucid iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid. Sidoo kale Aasaasaha Koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ahna Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro waxuu Safka hore kaga jiraa Siyaasiyiinta aan halgankii dib u xoraynta Qaran ee SNM hormoodka ka ahayd aan kaga qayb galin DAREEN,DOOD,IYO DEEQ midna marka si qoto dheer loo lafo guro Sooyaalka Taariikheed  ee Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani waxaa iswaydiin mudan Xidhiidhka ka dhexeeyay Kalidii Taliyihii Siyaad Bare ee Darajada Qusulka Koowaad  Safaarada Samaaliya ee Ruushka  u magacaabay Sannadkii 1988 oo Kalidii Taliyihii Siyaad Barre uu amar ku bixiyay in Diyaaradaha Dagaalku  ay Bamka la dhacaan oo ay Xasuuqaan Shacabka S/land ee Magaalooyinka Burco, Hargaysa iyo Barbera?.  Mar kale Muwaadiniinta Arimaha Siyaasada sida joogtada ah  ula socdaa waxay aad ugu dhaliilaan in C/Raxmaan Cirro uu safka hore kaga jiro Siyaasiyiinta Damaca Kursigu keenay S/land balse Mabda ahaan Aaminsan  Midnimada Soomaali wayn iyadoo Eedaa culus marag cad looga dhigayo in C/raxmaan Cirro  Maskaxdiisa iyo Maankiisu uu Shan Sanno ka dib Burburkii Soomaaliya uu Xillka sii hayay Aaminsanaana   Aaminsanaa Midnimada Soomaali wayn mar kale Gudoomiye Cirro waxuu safka hore kaga jiraa  Siyaasiyiinta yagleelkii Dawladnimada S/land aan Dalka iyo Dadka S/land hunguri kaga jirin ee Aaminsanaa in S/land Cagheeda isku taagi karayn.  Mar kale Muwaadiniinta Arimaha Siyaasada sida joogtada ah ula socdaa waxay aad ugu dhaliilaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro in uu yahay Siyaasi aan curin lahayn oo ku Fashilmay  Kaalintii Hogaamineed ee Golaha Wakiilada iyagoo Dhaliishaa Culus  Marag cad looga dhigayaa  in aanu Xilldhibaanada Golaha Wakiilada u jeedin Qudbad Dareen Wadaniyadeed Xambaarsan oo  Xilldhibaanada ku Baraarujinayo kuna dardar galinayo gudashada Xillka Qaran ee saaran iyo ka fogaanshaha  Laaluushka oo Golihii Wakiilada ka dhigay mid Caqliga, Curinta ,iyo Daacadnimada ka dabran oo Xillgudasho la”aani dhaxal siisay. Akhriste  Hadii aan mooganahay Mudo Kow iyo Toban Sanno ah uu Xillka hayay Gudoomiye Cirro ma haysaa Cadaymo cad oo muujinaya Qudbad dareen Wadaniyadeed Xambaarsan  uu u jeediyay  Xilldhibaanada Golaha Wakiilada isagoo ku baraarujinaya kuna dardar galinaya Gudashada Xillka Qaran ee ay hayaan iyo ka fogaanshaha Laaluushka  ? Mar kale Akhriste hadaan mooganahay  ma haysaa cadaymo cad oo muujinaya in Gudoomiye C/raxmaan Cirro Halgankii dib u xoraynta qaran ee S N M Hormoodka ka ahayd kaga qayb galay Dood, Dareen iyo Deeq mid uun ? Mar kale Akhriste ma haysaa Cadaymo cad oo muujinaya in Gudoomiye C/raxmaan Cirro in uu ka qayb qaatay Yagleelkii ama dhismihii Dawladnimada S/land ? Hadii aanad hayn Cadaymo cad ma mudanyahay in uu madaxwayne ka noqdo Jamhuuriyada S/land C/raxmaan Cirro?. Sidoo kale Murashaxa kaliya ee Taagan Kursiga Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro  waxaa  lagu dhaliilaa in uu Sabobay in Golihii Wakiilada u horeeyay ee Bulshada S/land Codkooda si toosa ugu soo doortaan uu noqdo Golihii Baarlamaanka ee ugu talada xumaa, uguna tayada xumaa, uguna mudada dheeraa  ee soo mara S/land iyadoo Dhaliishaa culus marag cad looga dhigayo in Gudoomiye Cirro uu ka danaystay Hogaamintii Golaha Wakii;da Guulo Siyaasiyana uu ka gaadhay  halka ay ahayd in Golaha  Wakiiladu ay u shaqeeyaan Bulshadii soo dooratay oo soo saaraan Xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada , Xeerka kala xadaynta Dagmooyinka iyo Gobolada,  Xeerka Shaqaalaha Rayidka ,Xeerka kala Xadaynta Ganacsiga , Xeerka wax soosaarka beeraha ,Xeerka Dhulka iyo Lahaanshihiisa , Xeerka Taawarada  Isgaadhsiinta ee Magaalooyinka Gudahooda lagu Taagay,iyo Xeerar Kale oo Qeexaya  Horomarinta Nolosha Bulshada Danyarta u badan ee S/land .

Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jiree Gudoomiye C/raxmaan Cirro waxuu Golihii Wakiilada ka dhigay mid ku shaqeeya  Dhaameelka ama  Laaluushka oo Caqliga iyo Curintaba ka Dabran .

Maanta Iyo Qormadeennan waxaan ku soo afmeerayaa tuducyo kamid ah maansada Daallacan oo kamid ah suugaan ka hadlay waayaha nolosha iyo marxaladaha dhabta ah ee aynu soo marnay. Waxaanay ku bilaabantay:

Danyartiyo miskiinyo

Dabatada kaluunkiyo

Bulsho  duurka joogtoo

Duunyada ku soo dhaqa

Raga soo dalxiisee

Diyaarado u raacee

Daawada dhibtoodee

Filimada ka duubtee

Daaraha ka jeexdee 

Ka danaystay waayadan

Dacwadooda maan galin

Wali dood kamaan furin

Danbi dhacay ma faalayn 

Diiwaanka gabaygiyo

Suugaanta kuma darin

Ma dalbanin abwaankii

Deelayda curin jiray 

Qalinkii Sacad X. Maxamuud Gadhle

Hargeysa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here