Minka Guusha Iyo Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani . Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan .Q-2aad.

0
115
  1. Mab’da Hufan Maqaal Koobsadiyo Erayo Miisaaman
  2. Taariikh Mug Weyn Maqaal Daafacoo Masaxin Sooyaalka

Waa Mar Kale Iyo Qormo Kooban Oo Kalsan Iyo Kor Waayeel Loogu Wan-qalay , Wa Kala Huf Iyo Kala Haadin Kafada Saaraysa Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani , Waa Qormo Si Saxa U Lafa Guri Doonta Kaalintii Gudoomiye Ciro Ku Lahaa Golihii Wakiilada Ee Bulshada Somaliland Codkooda Si Toosa Ugu Soo Doortaan , Waa Qormo KAS Iyo KAM’A-ba Laga Ilaashay .

Sidoo Kale Waa Qormo Kool-koolin , Kacaamayn Iyo Murashax Kaarbat Cas Loo Sii Dhigo Laga Ilaashay .

Hadii Aan Halkaa Ku Dhaafo Gun-dhiga Qormadayda Labaad Sida Ku Cad Sooyaalka Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland , Maalin Arbaco Ah Oo Ku Beegan 29/10/2005 Ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIRRO) Loo Doortay Gudomiyaha Aqalka golaha Wakiilada Somaliland .

Gudoomiye Cirro Muu Noqon Kaadirr Xisbiyahan Ah Oo Kulamada Iyo Kaanbayn Joogto Ah La Bar-bar Taagan Xisbigii Uu Ka Soo Baxay Ee UCID .

 Cabdiraxmaan Cirro

Sidoo Kale Gudoomiye Cirro Muu Noqon Hogaamiye U Hagar Baxay Kobcinta Aqoonta Xildhibaanada , Dar-dar Galinta Si Ay U Gutaan waajibaadka distooriga ah Ee Bulsho Weynta Somaliland U Soo Wakiilatay , Sidaa Darteed Gudoomiye Cirro Umuu Sii Gogol Xaadhin Siduu U kori Lahaa Kursiga Ugu Sareeya Ee Dalka .

Dadka Siyaasada U Kuur Gala Waxay Tilmaamaan In Gudomiye Cirro Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Uu Cidhif Kaga Fadhiyay Oo Aanu Ka Wada Muuqan .

Sidoo Kale Waxaa Lagu Tilmaamaa Gudoomiye Cirro Siyaasi Aan Curin Lahayn , Fikir Badana Aan U Hurin Kaalintii Hogaamineed Ee Uu Ku Lahaa Golaha Wakiilada Somaliland .

Gudomiye Cirro Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa Mudadii Shanta Sano Ahayd Ee Golaha Wakiilada La Doortay Kalmado Isku Mid Ah Oo Uu Kaladhiyada Ku Furi Jiray Kuna Soo Gunaanadi Jiray .

Dhamaadkii Mudadii SHanta Sanadood AHayd Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Beegnayd 29/10/2010 Oo Waraysi Warbaahinta Madaxa Banaani Kula Yeelatay Xafiiska Shir-gudoonka Golaha Wakiilada , Mar La Waydiiyay Wixii U Qabsoomay Shantaa Sano Wuxuu Ku Jawaabay , Dhismaha Aqalka Golaha Wakiilada Iyo Xidhiidho uu sheegay in Ay La Sameeyeen Qaar Ka Mid Ah Baarlamaanada Wadamada Africa Iyo Europe .

MUDO KORDHINTII GOLAHA WAKIILADA , KALA DHAMBALANKII XISBIGA UCID IYO WANQALKII XISBIGA WADDANI .

Mudo Kordhintii Golaha Wakiilada Ka Dib Gudoomiye Cirro Wuxuu Ku Dhawaaqay Hankiisa Siyaasadeed Ee Kursiga Madaxweynaha , Waxaanu Dar-dar Galiyay FAQA-HOOSE IYO KULAMADA QARSOON Ee Uu La Yeelanayo Mas’uuliyiinta Ugu Saraysa Ee Xisbiga Ucid .

Gudoomiye Cirro Wuxuu Ku Guulaystay In Uu Kasbado , Kalsooni Buuxdana uu Ka Helo Mas’uuliyiintii Ugu Saraysay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid .

Sidoo Kale Gudoomiye Cirro Wuxuu Qorsheeyay Xeelado Siyaasadeed Oo Laba Waji Leh .

  1. Qorshaha Koowaad Wuxuu Ahaa In Isbadal Dimoqraadiyada Baal Marsan Lagu Afganbiyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Laguna Badalo Gudoomiye Ciro .

  1. Qorshaha Labaad Waxa Uu AHaa Hadii Ay Ku Guulaysan Waayaan In Ay U Wan-qalaan Urur Siyaasadeed Cusub , Maadaama Oo Ururadii La Furayo .

Sida Ku Cad Sooyaalka Siyaasadeed Ee Gudoomiye Cirro Waxaan Marag Uga Dhigayaa Kuna Xaqiijinayaa Hadalkii Uu Ka Jeediyay Munaasibadii Lagaga dhawaaqay Xisbiga Waddani Oo Ku Beegnayd 05/10/2011 .

Gudoomiye Cirro Isagoo Ku Tiiq-tiiqsanaya Kuna Faanaya Siduu Hirfaha Ugu Soo Laabay Mid Ka Mid Ah Astaanta Dimuqraadiyada Ee Qarankan Somaliland Leeyahay ,waxuu Gudoomiye Cirro Xisbiga Ucid Ku Tilmaamay Lacagtii Gabawday Ee Giimbaarta Ahayd Ee Ka HAdhay Kalidii Taliyihii Maxamed SIyaad Barre Waxaanu Yidhi Gudoomiye Cirro ” Xisbiga Ucid Waxaa Loo Badalay Sidii Lacagtii Giimbaarta Ahayd Burco Looga Badalay Oo Kale ” .

WAN-QALKII XISBIGA WADDANI KADIB GUDOOMIYE CIRRO

Wuxuu La Soo Baxay Xeeladihii Siyaasadeed Ee U Qarsoonaa , Xeeladahaasi Oo Ka Duwan Kuwii Lagu Yaqaanay , Aan Ku Soo Koobo Kalmado Tilmaamaya Si Aynu Mid-Mid U Faalayno Kaalmadii Beesha Caalamka Oo La ArkayKULAMO JOGTO AH , KARTI BADAN IYO KAAMBAYN HADH IYO HABEEN SOCDA .

Shirwaynihii Koowaad Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo ka qabsoomay Hotel Maansoor munaasibadaas oo Laba Maalmood Socotay Kuna Beegnayd 8–9/04/2012 Waxay Daaha Ka Fayday Marag Cadna U Noqon Kartaa Kaalmadii Beesha Caalamku Ugu Deegday Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Ee Qasnada Gaarka Ah Ee Gudoomiye Cirro Ku Dhacaysay Iyadoo mudada gaaban ee ururku Jiray ee shanta bilooda iyo Cadadka Maaliyadeed Ee Ku Baxay Ay Aad U Kala Badnaayeen , Iyadoo Astaanta Iyo Calanka Xisbiga Wadani Wadooyinka Caasimada Iyo Hotel-ka Shirku Ka Dhacayay Agagaarkiisuba Ay Ka muuqdeen , Iyadoo Gargaarkaa Muga Leh Ee Beesha Caalamku Ugu Talo Gashay KOBCINTA AQOONTA XILDHIBAANADA , DAR-DAR GALINTA HAWLAHA SHARCI DAJINTA IYO TAABO GALINTA DIMUQRAADIYADA Uu Ula Leexday Una Kaydsaday siduu ugu fadhiisan lahaa Kursiga Ugu Sareeya Ee Dalka .

La Soco Qaybta Sadexaad Oo Aan Ku Falanqayn Doono Isbadalka Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiye Cirro Iyo Waayihii Ku Xeernaa Shirweynihii Koobaad Ee Xisbiga Waddani .

Halnkan Guji Oo Akhriso Qaybtii Hore .

 http://www.qodaalnews.com/?p=1621

Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan Muxumed

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Fadlan Noogu Soo Hagaaji

Bade400@gmail.com Or +252-63-3559900

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here