Waxa fiican inaynu marwalba hadaynu shicibka nahay ka fikirno waxa wadanka u wanaagsan iyadoon la taageerayn muxaafid iyo mucaarid toona danta guudna si isku mida looga wada fikiro. Inta badan madaxdeenu muxaafid iyo mucaaridba waxay marwalba ka fikiraan waxa hada taagan balse ma eegan waxan ay imika ka hadalayaan inay yihiin wax mustaqbalka wadanka wax u dhimi karaya.
Haddaba, madaama uu yimi muran siyaasadeed waxa xalku noqonayaa in loo noqdo dastuurka waddanku leeyahay. Waxaanan aaminsanahay in ay hadiiba doorasho laga hadlayo lakala hormariyo oo ay ta baarlamanku noqoto ta soo hormaraysa, sababata oo ah sedexda xisbi qaran waa inay haystaan kuraas isku dhowdhow waxaan halkaa uga jeeda baarlamanka hada jira xisbiga UCID waxa ay ku leeyihiin hal kursi iyadoo kuraastoodi kale ay ku kala biiren labada xisbi ee kale siday doonan howkala badsadaane, suuro galna maaha in doorasho madaxtooyo la qabto iyadoo baarlamanku ka kooban yahay laba xisbi oo kaliya.
Waxa kale oo iyaduna aad u muhiim ah in la ogaado in howl badani qabyo tahay sida;
Wacyigalinta oo ah in dadka lagu wacyi galiyo inay qaataan kaadhadhka tira koobka muwaadinimo oo iyaduna soconaysa 2bilood muda aan ka yarayn.
komiishanki doorashooyinku aanay keenin kuwii cusbaa ee badeli lahaa kuwa hada jooga ee wakhtigoodi dhamaadka yahay iyo sadexda xusbi qaran oon wali ku heshiin tirada uu noqon doonan iyagoo dhinaca kalena mucaaridku dalbanayaan in la kordhiyo tirada koomishanku ka koobanan doono.
midda labadaad ee qabyada ka mid ah waxa weeye iyadoon la samaynin diiwangalintii muwaadiniinta (National Registration) oo qaadan doona mudo aan ka yarayn shan bilood, mudadaaa ka dibna voting registration oo isna socon doona 4-5 bilood.
Maadaamo ay howlahaas oo dhan qabyo yihiin waa in la qabyo tiro ka hore intaan doorasho Baarlaman iyo mid madaxtooyo toona laga hadal, ka dibna tijaabo buuxda la qaada si aanay u iman ku noqonoqsho codaynta ahi. hadaba hadii aan waxa ka yidhaahdo hadalkii ay ku dhawaaqeen mucaaridku ee ahaa dawlada ku meelgaadh ah ma yahay wax dastuurka wadanka u yaala waafaqsan? su’aasha jawaabteedu waa may sidaynu wada ognahay mana aha wax dastuurku baneeyay ama ogolyahay, hadii se aynu qaadano oo ku dhaqaaqno wax dastuurki dalka ka soo horjeeda waxa cawaaqibkeedu noqon doona mid dawlada kasta oo Somaliland ka dhalata caqabad iyo dhib ku noqon doonta.
Gabagabada hadalkayga waxaan ku soo xidhi lahaa in madaxda dalku muxaafid iyo mucaaridba noqdaan qaar ka taliya nabada iyo danta qaranku leeyahay shacabkoodana lexajeclaystaan oo aanay noqon kuwo dhib iyo jahawareer u horseeda.
Yassin Omar Yarre