Mishiin Laf-Dhabar U Ahaa Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Fadhiistay+SAWIRRO

0
47

Hargeysa (Hubaal) Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa waxa fadhiistay oo shaqadii joojiyey mishiinkii weynaa ee soo saari jiray hawo-qaadasha (Oxygen) ee lagu rakibijiray dadka bukaanka ah ee ay ku yaraato hawo qaadashadu ama ku jira xaalad miyir-doorsoon, ka dib markii ay cilad ku timid muddo laga joogo 3-bilood, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah hawl-wadeenada cusbitaalka oo ka cudur daartay in magacyadooda la sheego.

Arrintan ayaa sababtay dadka  bukaanka ah ee aan awoodin in uu jidhkoodu sameeyo hawo qaadasho iyo dadka ku jira xaalad miyir-doorsoon lagula tacaalo mishiino yar yar oo gacanta lagu qaado soona saara hawo-neefeed macmal ah, kuwaasoo ku shaqeeya tamarta korontada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka cusbitaalka iyo wasaarada caafimaadka oo la xidhiidha cilada ku timid mishiinkan iyo sababta dayactir loogu sameyn waayey muddada intaas leeg, maadaama uu ka mid yahay agabka muhiimka u ah badbaadada bukaanka, hase ahaatee, sida ay xaqiijiyeen hawl-wadeenada cudbitaalku in shirkad la yidhaahdo Al-SALAM oo gaar loo leeyahay ay cusbitaalka ka iibiso haamo ay ku jiraan hawda uu soo saari jiray mishiinkan fadhiistay, kaasoo haantiiba laga siiyo lacag aa u badan, isla-markaana ku kooban qaybta qaliinka oo qudha, balse, aana la gaadhsiin qaybaha ee bukaan jiifka xaaladaha ku jira miyir doorsoonka.

Mishiinkan weyn ee soo saari jiray Hawada dabiiciga ah ee (Oxygen)  oo sida la sheegay qiimihiisu uu ahaa mid aad u qaaliya, kuna caawisay cusbitaalka hay’adda laan-qayrta cas ee imaaraadka carabtu, sannadkii 2009-kii,  ayaa wax-tar weyn u lahaa badbaadada bukaanka ay ku yar tahay hawo qaadashada, dadka qaliinada lagu sameeynayo, kuwa ku dhaawacma shilalka gaadiidka ee ku jira xaaladaha miyir-doorsoon iyo dadka qaba xanuunadada neef-qabatowga iyadoo uu ahaa mishiinka qudha ee yaalay cusbitaalka  oo aan noociisu oolin cusbitaalada kale ee gobolada,  la’aantiisuna ay khatar weyn ku tahay bukaan oo ku keeni karta illaa heer dhimasho,

Sida aanu warka ku helnay mishiinadan ku shaqeeya korontada maaha kuwo daboolaya hawshii uu qaban jiray mishiinkaasi, sidoo kalena la isku haleyn karro, isticmaalkooduna uu keeni karo in bukaanku ka qaadi karo xanuuno kale.

Dhinaca kale, ma’cada sababta keentay in illaa iyo hadda la sameyn waayo mishiinkaas, balse , waxa la tuhunsan yahay in shirkadan hadda laga soo iibsado hawada (Oxygen) ay leeyihiin masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka, sidaa awgeedna, loo dayacay mishiinkan muhiimka ah.

Cusbitaalka guud ee hargeysa ayaa bixiya dhamaan adeegyada kala duwan ee caafimaadka bulshada, isla-markaana xundhur u ah dhamaan adeegyada caafimaadka dalka Jamhuuriyadda Somaliland

7-3-17 oxy 7-3-17 oxy1 warshad1 warshad2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here