Umadan reer Somaliland ayaa waxay soo mareen wakhti aad u adag oo qadhaadh, wakhtigaasi oo kala duwanaa ayaa waxa uu u qaybsan yahay wakhtigii halganka ee ragii damiirka lahaa ay u baxeen inay dadkooda ka xoreeyaan dhibaatadii naf iyo maalba ahayd ee dawladii Siyaad Bare u gaysanaysay dadkooda, wakhtigii dib u dhiska dalka iyo wakhtigii dimoqraadiyada iyo loolanka xisbiyada ee hogaaminta dalka.
Inaga oo mid mid u dul is taagi doona kana odhanayna odhaah kooban maadaama aynaan qoraal ku soo koobi karin, ayaa waxa dulucdaydu tahay in taariikhdii umadan ee mahadhada iyo murugada lahaa, dhibta iyo dheeftaba lahaa aan la baabiin ee ay tahay in markasta dib loo milicsado.
Hadaan ku horeeyo wakhtigii halganka ayaa raga qaar umada reer Somaliland naftooda u hureen inay ka xoreeyaan duliga iyo dulmiga ay abaalka uga dhigeen dadkii lala midoobay ee koonfurta Soomaaliyeed, ragaasi ayaa waxay u mareen jid aad u dhib badan oo ay ku mutaysteen duruufo qalafsan oo ay ka mid tahay duruufo nolosha qofka biniaadmiga ah ku adag iyo waliba inay u daadiyeen dhiigooda qiimaha badan oo ay ku muteen inay qaarkood naftooda ku waayaan, qaarna dhaawacyo ay ku naafoobeen ay ka soo gaadhaan, waxa kale oo u dheeraa markii ay dagaalka ka bilaabeen 1988 gudagalkii Hargeysa, Burco iyo meelo kale oo ka mid ah gudaha dalka inay la kulmeen duruufo ba`an oo mar walba ay u muuqatay dadkoodii oo barakacay lana kulmay duruufo adag oo nololeed oo ay ugu wayn tahay cadawgii oo ku laynayay madaafiic, diyaarado, kaare, beebe iyo miino, waxa kale oo u dheeraa cuduro dadkaasi la soo darsay, iyada oo xabaal wadareed lagu aasayay gudaha dalka iyo goobihii qaxaatiga umadani deganayeen.
Waxa kale oo jirtay inay hogaaminayeen ciidamo jabhada oo aan lahayn darajo mushahar, guno iyo dhiirigelin toona, sidoo kale aan lahayn hoy ay galaan iyo xuquuq ay leeyihiin kooda dhinta ama naafooba, kuwaas oo sida loo hagi karaa ay adag tahay. Ragaasi waxay la yimaadeen sidii ugu wanaagsanayd ee ay u hagi lahaayeen ciidanka duruufahaasi ku xeeran yihiin, arintaasi oo ah mid aad u adag. Waxa kale oo ay dhiseen iyada oo dagaal lagu jiro Golaha Guurtida oo duruufo badan oo adag ama qalafsan dadkan iyo dalkanba ka soo saaray hadii ay noqon lahayd wakhtigii halganka ee wadanka cadawgu ku jiray iyo wakhtigii dalka la xoreeyay wixii ka dambeeyay ee la dhisayay nidaamka dawladnimo iyo ilaa wakhtigan xaadirka ahba.
Waxa iyadana aan indhaha la iska tiri Karin wakhtigii dib loo xoreeyay dalka in ragaasi qayb wayn ka qaateen dib u dejinta iyo dib u dhiska dalka, inkastoo carab iyo labadiisa daanba ay is qaniinaan, waxa jirtay inay ragaasi saamayn wayn ku lahaayeen shirarkii ka qabsoomay Burco iyo Borama, hub ka dhigistii jabhada, abuuridii hay`addaha dawliga ah oo duruufo badan ay ku xeernaayeen.
Waxa kale oo halgan adag ahaa dariiqii Xisbiga Kulmiye u maray hogaaminta talada dalka oo raga qaar qayb libaax ka qaateen Xisbigaa musharaxnimadiisa lagu tartamayo , ragaasi oo si adag u barbar is taagay maalmihii qadhaadhaa Madaxwayne Siilaanyo oo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Xisbiga, waxaanay ahayd maalin maanta ka duwan oo uu u baahnaa hiil, maadaama uu la tartamayay Xisbigii ugu dada waynaa dalka, isla markaana uu hogaaminayay Madaxwaynihii dalka Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo haystay awood dawladeed iyo mid dhaqaaleba.
Iyada oo aynaan soo koobi Karin maalmihii adkaa ee Xisbigaasi soo maray ayaa waxaan idin xasuusinayaa shirkii golaha dhexe ee Xisbiga ee lagu qabtay magaalada Burco, Hotel Plaza oo mar xalad adag xisbigu galay waa la garanayaa ragii ku guntaday ee badbaadiyay Xisbiga, waxa kale oo jira marka la sheegayo dhaliilaha xukuumadii UDUB in raga qaar hadalkoodu kaga adkaa ka gudoomiye Siilaanyo, sidoo kale waxa jiray maalmihii adkaa ee mudo kordhinta lagu murmayay waa la ogaa ragii car iyo car arinku markii uu noqday ku dagaalamayay inaanay dhicin sida xukuumadii UDUB doonayeen.
Dhibaatadaa iyo duruufahaasi adag ee dadwaynaha reer Somaliland ay raga qaarkood la soo mareen iyo ta ay la soo mareen Xisbiga Kulmiye inuu meeqaamkan soo gaadho ayaa waxa barbar cararaya rag iyagu dadwaynahan iyo Xisbiga Kulmiyeba la qaatay maalmihii macaanaa, kuwaas oo uga badsaday macaankaasi ragii darxumada, duruufada iyo dagaalka adag la soo galay dadkani sidii ay xor u noqon lahaaheen iyo sidii Xisbiga Kulmiye u hanan lahaa talada dalka.
Hadaba su`aasha ku xusan cinwaanka maqaalkaygan ayaa jawaabtiisu waxay tahay uma sina, isugu midna maaha umadan, Golaha dhexe ee Xisbiga, Madaxwayne Siilaanyo iyo inta la dareenka ahba ragii la soo maray maalmihii qadhaadhaa ee halganka dib u xoraynta dalka iyo halgankii uu xisbiga kulmiye u maray sidii uu u hanan lahaa hogaaminta talada dalka iyo raga la kulmay maalmihii macaanaa ee waliba uga badsaday ragii dhibaatada iyo halganka aynu sare ku soo xusnay la soo maray umadan iyo Xisbiga Kulmiyeba. Waxay masuuliyada ugu wayni saaran tahay Madaxwayne Siilaanyo oo isagu ah qofka jidkaasi qadhaadh ay soo wada mareen ee ku hogaaminayay duruufahaasi qalafsanaa ee xanuunka badnaa, isla markaana ay tahay inuu ka badheedho in cida uga dambaynaysa, uguna haboon hanashada talada Xisbigu ay yihiin kuwaa aynu soo tilmaanay, waxa kale oo iyagana ay masuuliyadi ka saaran tahay dhamaan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo iyagu ah kuwa dooranaya qofka Musharax u noqonaya Xisbiga, hadiise la waayo in ragaasi loogu hambeeyo sidii ay hore ugu liseen bulshada reer Somaliland iyo Xisbiga Kulmiyeba waxay noqonaysaa abaalaw waxba ha qaban, aqoonay waxba ha tarin.
Cabdi C. Yaasiin
00 252 2 633803080