Xil. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre Oo Si Adag U Naqdiyey Qorshaha Siyaasaddeed Ee Ay Xukuumaddu Ku Soo Xero-gelinayso Cali Khaliif Iyo Kooxdiisa
“Waxaanu Ahayn Raggii Dhisay Somaliland-tan sida baallalayda maanta loogu soo hoobanayo, Run ahaanna Anigu Ma Qabo In Cali Khaliif Uu Dhulbahante Masiirkooda Wakiil Ka Yahay Ee Waxaan Qabaa….”
++++++++++
“Horta wax Khaatumo La Yidhaahdo Iyo Wax Uu Cali Khaliif Hoggaamiyaa ma jirto,Dadka Deegaannadaasina Waa Kuwo Dantooda Yaqaanna Oo Tashan Kara Ee koox 15 nin ahi masiirkooda ma meteli karaan” – Xil. Koorre
Hargeysa (Hubaal)- Murashaxa jagada guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Xil. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre ayaa si adag meesha uga saaray in tabashooyinka deegaannada bariga ay xukuumadda Somaliland u dabo fadhiisato koox gaar ah oo uu sheegay in aanay waxba kala socon geedi socodkii iyo duruufihii lala soo maray kamidho dhalinta nidaamka duwaliga ah ee Somaliland. Xil. Koorre waxaa uu sheegay in aan ay aaminsanayn muhiimadda ay xukuumaddu siinayso wada hadallada ay kula jirto hoggaamiyaha kooxda Khaatumo oo uu sheegay inaanu wakiil ka noqon Karin deegaannada bariga Somaliland. “Dasturka haddii dan qaran loo furayo anigu aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa laakiin” ayuu yidhi Saleebaan Yuusuf Cali Koorreoo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Arrintaasna waa in lagu dhiraandhiriyaa si kasta oo lagu dhiraandhirin karo kamidho dhalinteeda haddii uu yahay mid Somaliland isu keenaya oo bariga iyo galbeedka isu keenaya oo ummadu u siman tahay waanu soo dhawaynaynaa, waana wax dalka iyo dadka dan u ah, waqtiga iyo goobta iyo haboonaanshuhunba meeshiisuu leeyahay”. Ayuu yidhi Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, Murrashaxa guddoomiyaha golaha wakiilalada Somaliland Marka uu guddoomiye Cirro banneeyo kadib. Geesta kale waxaa uu xildhibaanku naqdiyey qorshaha siyaasadeed ee uu hoggaamiyaha kooxda khaatumo kula gorgortamayo Somaliland waxaana mar wax laga weydiiyey sida uu u arko shirka loo ballansan yahay bishan July inay isugu yimaadaan dawladda Somaliland iyo kooxda Khaatumo iyo qoddobada lagaga wada hadli doono waxa uu yidhi “Horta wax Cali Khaliif Hoggaamiyaa ma jirto wax la yidhaahdo KHaatumona ma jiro laakiin dadku waa gobollo oo haddii loo jeedo dadka gobolka togdheer wax ka dega, gobolka Saraar wax ka dega iyo Sanaag iyo Sool waxaa weeye dad dantooda yaqaanna oo tashan kara laakiin koox 15 nin ahi masiirkooda ma meteli karaan……wey jiraan cabashooyinka dadka deegaankaas bariga ee aan ka hadlayaa laakiin Cabashooyinku kuwo ku afgo’aya toban nin iyo shan iyo toban nin toona maaha waa mid loo baahan yahay in si buuxda oo loo dhan yahay dadkii uu khuseeyey la isugu yeedho oo ay dadku kaga doodaan sida ay u arkaan inay arrintoodu ku dhammaanayso…..Immika dadka intooda badani waa reer Somaliland oo waad ogtihiin diiwaangelintii illaa Taleex baa laga qabtay si looga fekero cadaalad iyo horumar looga fekero waxaa ay u baahan tahay in la is daba raaciyo laakiin macnaheedu maaha in niman diyaarado saarani intay yimaadaan la yidhaahdo heshiis baa lala galayaa, taasina xikmad weyn masamaynayso, waxbadanna wixii hore kama bedeli karto ee waa in sidii horeba loogu wada y ee ahayd in deegaan deegaan [cabashada loo dhageysto] oo in deegaan walba loo tagaa ay tahay habka ugu habboon ee lagu soo dabaali karo wixii innaga dhiman”. Ayuu Xil. Koorre yidhi. Mar la weydiiyey dhadhanka uu hadalkiisani samaynayo in loo qaadan karo in uu fursadda siyaasada kariixanayo kooxaha siyaasiyiinta ah ee deegaankiisa kasoo jeeda ee Somaliland la gorgortamaya waxaa uu yidhi “adeer horta anigu ninna waxbaka riixan maayo oo meeshan [Somaliland] 27 sannadood baan soo joogay, raguna waa yaqaannaa in waqtiga aanu siyaasadda ku soo jirnay aanay maanta kabilaabmin ee Somaliland-ta sida baallalayda maanta loogu soo hoobanayo waxaanu ahayn raggii dhisay, mid aan cid u daba fadhiisanayana maaha ee waa Somaliland aan geedkay cidi taagtaba aan ogaa, dastuurkeeda aan immika ka hadlayo aniga ayaa gobollada barika fuliyey anigoo wasiir ahaa xilligaas, 1993-kii askarigeedii bilayska ahaaee ugu horreeyey baan wax ka dhisay keedii ciidanka qaranka ahaa baan wax ka dhisay, markaa mid aan anigu cid kahor taagnay ma ihi ee mid raggii wax ka bilaabay jiritaankeeda ka mid ahaa baan ahay, markaa anigu cid kasta waan soo dhawaynaynaa laakiin waa in ixtiraam jiraa”. Ayuu Saleebaan Cali Koorre ku dooday, waxaanu intaa ku daray “Nin kasta si milgo leh inaanu siyaasadda uga wada qayb qaadano ayaanu doonaynaa laakiin miyay suurto gal tahay in Somalilandta aanu sidaas ugu soo dhimanay ee aanu godobta usoo galnay uu nin inta uu iska yimaado yidhaahdo idinku waxba ma tihidin oo waxba la idin weydiin maayee aniga ayaa la I weydiinayaa?, taasi wax suuroobaysa maaha, annaguna runtii ma qabno in Cali Khaliif iyo guruubkiisu ay dhulbahante iyo deegaankaas oo dhan masiirkooda wakiil ka yahay laakiinw axaanu qabnaa in tabashada deegaankaas ka jirta uu dadku isu yimaado oo si wada jir ah looga hawl galo suulinteeda”.