“Mooshinka Ninka Keenay Waa Aniga, Guddoomiyuhu Wuxuu Xaq U Lahaa In ….”

0
47

Xildhibaan Bukhaari

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha muxaafidka ah ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, islamarkaana hormoodka ka ahaa mooshinka ay ku doonayeen in dib looga noqdo go’aankii hore loogu laalay wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro xaq u leeyahay in mooshinkan ay shalay keenaan uu sharciga mariyo oo loo codeeyo. bukhaariMudane Bukhaari oo xarunta Baarlamaanka warbaahinta kula hadlay, waxa uu yidhi “Mooshinka Ninka keenaya waa aniga, in golaha mooshin la keenaa waa sharci, in sharciyada la mariyaana waa sharci, 38 mudane ayaa soo saxeexay oo keenay. Guddoomiyuhu wuxuu xaq u lahaa in sharciga la mariyo oo loo codeeyo, inuu Golaha dhexdhexaad ku hoggaamiyo oo Guddoomiye u yahay ayaa Dastuurka ku taala inuu mooshinkii shalayna yidhaahdo uma baahna nidaa ee hadda loo codaynayaa.” Ayuu yidhi Mudane Bukhaari Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) waxa uu intaas raaciyay “Kii maantana inuu yidhaado shacigaa la marinayaa lama keeni karo oo xeer-hoosaadka u daliishado, shalayna uu yidhi xeer-hoosaadkan laalayaa. Waxa weeyaan arbush iyo fidmo golaha laga samaynayo.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here