Morgan wuxuu markasta ku hawlanaa jiray wakhtigii dawladii faqashta in kolba xaalada taagan xog-ogaal u noqodo, waana waqti dareenka dadku aad u sareeyey oo damqashado aan la koobi karaynin buuxisay taasoo dhibaatada axmaqnimada ah ee faqashatu ku dhamaysay Gobolada waqooyi, Waxaanu Siyaad Barre u sheegay inay gooni u goosanayaaan gobolada Waqooyi.
Sidaasi ayuu Morgan uga dagaalamay inuu Afweyne ku qanciyo in haddaan sidaasi ay xambaarsanayd Warqadiisa sirta culus ee Morgan Woqooyigu si deg deg ah u goosanayaan, sidaas ayuu Afweyne ugu qancay warbixinti dhiilada siday eek u sharxayey sida uu soo jeediyey in gumaado shicibkaSomaliland, warqadau waxay ahyad Barnamijkii siyaasadeed ee faqashta ee Morgan.
Illaahay baa Mahad leh, fashilay
HADABA
Afar arrimood oo aan la qiyaasi karayn ayey oo halgankii SNM sal ugu noqotay in gumaadkaa uu moorgan la rabo inay kaga hor tagaan
- Dadkii gudaha iyo dibbea joogay oo ay darrenkoodii midaysay oo arkay gumaadka iyo dabar-jarka loo maleegayo ee la doonayo in la dhulkaba laga tirtiro.
- Dadkii Dibedda joogay oo aad uga dhiidhiyey oo aan waxba kala hadhin taageeradii dhaqaale ee halganka.
- Adduunkii oo si cad u arkay in Afweyne doonayo in la dabar-joogo dadweyanha Gobolada waqooyi. Taasoo ficilkii bahalnimada ahaa nidaankii AFweyne ee xasuuqii iyo iyo rushayntii diyaaradaha iMadaarka Hargeysa ka kacayeyna ka maraq kacay.
Maanta oo aynu joognona waxay arrintani Somaliland u noqoneysaa cashar fiican oo ay ku adkeystaan hanshada dawladnimada. Kuwii ku shahiiday ee naftoodii ku weyday Illaahay darajadooda Jananda ha u labanlaabo, Inta ku -agoomowday iyo ku laxaad beelayna xilkoodu qarankanka ayuu saaranyahay waanna arrin muqadas in la kafaalo qaado.
Waxaana adduunyada ugu fiican aad ku tacbtay oo midho- dhala oo lagu guuleysto, welli halgankii wuxuu socdaa inta Somaliland Ictiraafkeeda la hortaaganyahay caddowgeennu wuu badanayahay wadaad iyo waran-leba, yaan la is-dhigan .
MIDA_KALE
Maanta may tahay ninkii sidaa somaliland umadeeda u xasuuqaayay ee necbaa jiritaanka dalkan iyo dadkiisa inuu somalind so faro galiyo oo uu ka hadlo oo uu yidhaa: khaatumo haday somalinad ka dayn waydo dagaalkay ku wado waanu iska celin doona ……
Waxaan u sheegayaa morgan ragii dalkan u so halgamay wali way nool yahiin ee Meeday dawladii dalkan iyo dadkan ma suulka ahyd tolow?
W/Q: Buraale Jaamac