Mr. Iskeerse Oo Ka Digey In Mustaqbalka KULMIYE Raad-Arooryo Noqdo Kuna Taliyey Inaan Dib Loo Dhigin Qabsoomida Shirka

0
44

Hargeysa (Hubaal) Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ka mid ah siyaasiyiinta waayeelka ah ee taariikhda ku leh aasaaskii xisbiga Kulmiye, ayaa ka digey cawaaqib xumo ka dhalata dib u dhac ku yimaad shirka shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, oo u mudaysan inuu horraanta bisha soo socota ka qabsoomo magaaladda Hargeysa. Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii xisbigu uu uga midho dhalin lahaa himilooyinkiisa, isagoo sheegay inay lama huraan tahay jiritaanka xisbiga ee boqolaalka sanno ee socda.

Xoghayihii hore ee maaliyada ee xisbiga Kulmiye Maxamed cabdi Iskeerse oo wakhtigan hawlgab ka ah siyaasada ayaa xog-waran uu shalay magaaladda Hargeysa ku siiyey wariye Aadan Cabdi Ciidle oo telefiishenka HCTV ka tirsan, waxa uu musharraxiinta ku loollamaya xisbiga Kulmiye dhexdiisa ugu baaqay inaan la niyad jabin taageerayaasha iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, isla markaana aan la tacab khasaarin, caqligii iyo cududii aasaasayaasha Kulmiye. Ugu horeyn mr. Iskeerse oo wariyuhu wax ka weydiiyay xamaasada soo laba kaclaysay iyo shir-doceedyada ay isku muquuninayaan musharrixiinta ku hirdamaya kasbashada xubnaha golaha dhexe, waxa isaga oo ka jawaabaya arragtidiisa ku aadan uu yidhi iskeersi“inamadayadii baad tihiin, Ilmaadeeradayadii baad tihiin, haddii aad heshaan ballan baanu indiinku qaadaynaa inaanu idinla shaqayno oonu idin garab galno, idinkuna ha bilaabina waxan la idinka filayn, madax baan noqonayaa iyo qalaanqal baan bilaabayaa, wax isu iman kara maaha, waxan leeyay golaha dhexe waa labeentii Somaliland, waa waxgaradkii dalka, rag iyo dumarba dad maanta la yidhaa lacag baa lagu kala kaxaynayaa, anigu ma qabo. Waxan leeyahay umadu haka hor timaad wax alla wixii buuq iyo rabshad la yimaada ee is yidhaahda shirkaasi yaanu dhicin, waa in laga hor yimaad, annaguna waanu kahor imanaynaa” ayuu yidhi Maxamed iskeersicabdi Iskeerse, waxaanu isagoo mar kale ka jawaabaya su’aal wariyuhu ka waydiiyey bal inuu u hambalyayn doono musharraxiintan cida kusoo baxda tartanka oo uu ku boggaadin doono, waxan uu yidhi “anigu saaxiibay oo dhan weeyi nimankaasi, makala jecli oo waa isku kay wada mid, kii kusoo baxana waan kusoo dhaweynaynaa, waan ku hambalyeynaynaa, oo waanu kala shaqaynaynaa, laakiin haddii ay fidno inaga horeysay oo inooga sii horeyso, dee hambalyadu hambalyo noqonmayso, se waxaanu rajaynaynaa inuu shirkaasi si nabad ah oo bilaa is qabsi ah kusoo dhamaado” ayuu yidhi Mr. iskeerse

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here