Xildhibaan Nacnac Oo Sheegay In Madaxweynuhu Dalka U Soo Maray Duruuf Adag
Hargaysa (Hubaal): Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa sheegay in aan cidna laga aqbali doonin inay ku tumato sharciga dalka u yaalla, isla markaana ay Golaha Guurtidu awood u leeyihiin in ay muddo kordhin u samayn karaan xukuumadda taladda haysa.
Xildhibaan Nacnac oo shalay u waramayay wargeyska Dawan, ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo uu fuliyay wixii uu umadda u balanqaaday xiligii ololaha, isagoo dhinaca kalena xusay in xisbiyadda mucaaradku ay ku fashilmeen in au umadda u soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed.
“Waxaan leeyahay dalku sharci ayuu leeyahay sida dastuurku qorayana waxa uu sheegayaa in golaha Guurtidu awood u leeyahay in ay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka mudadda u kordhinayaan haddii doorashadu qabsoomi waydo. Mana doonayno haddii aanu Kulmiye nahay muddo kordhin, waayo waanu is-hubnaa in aanu ku guulaysanayno doorashadda. Madaxweynuhuna wax buu qabtay, Guurtida ayaanay ku xidhan tahay muddo kordhintu, waxaanay samaynayaan (guurtidu) wixii dalka u dan ah” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac).
Mudane Axmed Maxamed Diiriye waxa kale oo uu tilmaamay in ay axsaabta mucaaridka ah ku kala baxayaan sharciga dalka u yaalla waxaana uu yidhi “Nimanka leh (mucaaridka) dawlad ku meel-gaadha ha la sameeyo waa niman sharciga jebinaya. Waxaanu sharcigu sheegayaa in la xidh-xidho cidii waxaas ku dhawaaqda. axsaabta mucaaradka ahna waxa aan leeyahay sharciga dalka u yaalla ayaa ina kala saaraya, oo aynu ku kala baxaynaa. Laakiin wixii sharci darro ah ma yeelayno, cirka soo gujiya ayaan leeyahay, bal guurtidu marka ay wax samayso ninkii wax sameeya waa la arki doonaa, Cida uu wax ku sameeyo. Waxaan leeyahay waxba dhici maayaan, weliba nimanka Madasha wadatshiga la yidhaahdo dalka buuqa ka daaya ayaan leeyahay”.
Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo fuliyay wixii uu umadda u balanqaaday xwakhtigii uu ololihii doorashadda madaxweynenimo ku jiray, “Madaxweyne Siilaanyo wuxuu balanqaaday ayuu qabtay, waxaanan la yaabaa dadka leh xukuumaddu waxba may qaban, mucaaradkuna waa in uu toosiyaa xukuumadda. Laakiin ayaanay odhan waxba lama qaban, waxbana ma hayaan mucaaradku oo barnaamijba ma laha. Waxaanan filayaa doorashadda soo socota in boqolkiiba toddobaatan Kulmiye helayo, waayo madaxweynuhu wuu u soo dagaalamay dalka oo geed buu u soo seexday inuu kaga tagayo dalka ictiraaf. intuu ictiraafka keenayana wuu u shaqaynayaa, umaddiisana wuu u sharaxan yahay doorashadda” ayuu yidhi Axmed Maxamed Diiriye.
Dhinaca kale xildhibaan Nac-nac ayaa ku eedeeyay beesha caalamka in aanay Somaliland waxba u qaban, isla markaana aanay xukumin Somaliland. Waxaanu yidhi “Beesha caalamku nama xukumaan hana ictiraafaan markaasaanu wada hadli doonaa, waxaynu ku haysanaa beesha caalamka cashuurta dadka laga qaado ayuu dalku ku socdaaye, waxaan leeyahay beesha caalamka aynu kala ceeb la’aano.”