Waan idin salaamayaa shacabkayga aan jeclahay ee Somaliland iyo warbaahinta madaxa banaan kana qeyb qaadata horumarka iyo dhismaha wadanka , salaantaasi ka dib waxaan jeclahaystay inaan idinla wadaado xisbiyadeena mucaradkii oo aanay ka muuqan wax lexejeclo ah oo dadkan iyo umaan ka haysa basle danta ugu weyn ee ay leeyihiin tahay sidii ay u hanan lahaayeen kursiga kuna danaysan lahaayeen.
Somaliland waxay manta haysataa hogaamiye waansgan oo 11-sano duurka usoo galay shaqadii uu hayey iyo reerkiisiiba uga tagay dulmiga dadkiisa haysta, Axmed Maxamed Maxmauud Aadan Madaxweynaha Somaliland ee haatan talada wadanka hayaa wuxuu soo ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa Ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, ragii lasoo sheegay waxay ku tilmaamaan inuu ahaa hogaamiyihii ugu wanaagsanaa ee soo mara Ururkaasi, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo istiraajiyad dagaal intaba.
Somaliland waxay meenta leedahay Laba Xisbi mucaarid oo aan lahayn wax siyaasad ah oo ay shacabka ugu soo bandhigaan, kuna darsaday hadal xumaan iyo aflagaado, waxaana keliya ay yaqaaniin waa cayda iyo maagista dawlada mana yaqaaniin sida wax loo dhaliilo ee loo sheego waxay hagratay dawladu balse waxay ka adagyihiin uun wax la ydihaahdo canbaarayn, heerna waxay marayaan kala garan waayeen waxay ku hadlayaan inuu qaranka dhaawac u keeni karo iyo in kale balse waxoodu waa iga gaadhsii, hadalo badan oo kasoo yeedhay macaaridka waxay dhabar jab ku yihiin qaranimada jiritaankeena.
Niman waa weyn oo muxtarima dalka oo dalka han iyo himo kaleh hadii ay maalin kasta shaashadaha iyo warbaahinta isla soo taagaan cay iyo aflagaado ileen nin weyn cay loogama baranee halkiia y dalka ka toosin lahaayeen dadkana wax u sheeg I lahaayeen miyaanay nasiib daro ahayn inay cadawgeena sirta qaranka siiyaan ?
Mucaaridow waxaad u baahan tihiin Siminaar laydinku baro habka wax loo mucaarado waayo mucaradnimadu maaha cay iyo erayo qaranka ka dhah ee waa sheegista hadba waxay ka gaabisay dawladu iyo dhaliilaha ama godaloolooyinka jira si shacabkuna u arkaan, waxaanan kula talinayaa sankaagoo qudhma lama gooyee ka waantooba hagardaamadaad ku haysaan qaranka .
Cali Xasan
Calixasan806@gmail.com