Mucaaridka Oo La Sheegay Inay Si Qarsoodi Ah Xukuumadda Uga Dalbadeen In Madaxweynaha Muddada Loo Kordhiyo, Iyagana Laga Joojiyo Furista Ururrada Siyaasadda
Hargeysa -(Hubaal) Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku si qarsoodi ah xukuumadda uga dalbadeen in madaxweynaha muddada loo kordhiyo, iyagana laga joojiyo furista ururrada siyaasadda.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in madal markhaati leh axsaabta mucaaradku kaga dalbadeen xukuumadda in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha iyo furista ururrada siyaasadda, isaga oo xusay in labada xisbi mucaarad u soo dirsadeen ergo sida farriintaas.
“Wararka hoose ee aan iyaga afkooda ka soo bixin iyo ergooyinka nooga yimi, waxa la leeyahay madaxweynow adna korodhso, annagana noo kordhi. Been ma aha arrintaasi oo markhaatigeeda ayey leedahay, goleheeda ayey leedahay raggii yidhi ayey leedahay,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa maanta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ku celiyey in furista ururrada siyaasaddu tahay waajib sharci ah in la furo tobankii sannoba mar, isla markaana xisbiyada hadda jira liisanku ka dhacayo bisha 26 December, 2022.
Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in aan la joogin waqti laga werwero dib u dhaca doorashada madaxweynaha, maadaama aanay weli dhowayn.
Geesta kale, labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa guddi wadajir ah u magacaabay qabanqaabada mudaharaadyo ay ugu baaqeen taagaraashooda oo liddi ku ah xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi.