Mucaaridka Oo Xukuumadda Ku Xidhiidhiyey Tallaabada Uu Xafiiska EU-du Uga Guuray Somaliland

0
26

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si weyn ugu dhaliilay inay meesha ka saartay macaamiladii Somaliland la lahayd beesha caalamka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xafiiska Midowga Yurub ku leeyihiin Hargeysa Dhawaan la xidhi doono. Hoggaamiyayaasha labada Xisbi, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiye Cirro oo si gooni gooni ah Warbaahinta Maalintii shalay ula hadlay, ayaa tilmaamay in burburka ku yimi Xidhiidhkii ay  somaliland la lahayd Beesha caalamka ay kaw ka  tahay mudo-kordhinta ay dhawaan Guurtidu u samaysay xukuumadda.  faysal-iyo-cirroUgu horrayn Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in xidhitaankaasi xafiiskaasi yahay midhihii ka dhashay muddo-kordhinta Guurtida,“Shacabka waxan leeyahay Khasaarihii ugu horreeyey ee Muddo-kordhintii Guurtidu Dalkeena soo gaadhsiiyey waa kaas maanta inoo bilaabantay ee xafiiskii ugu weynaa ee ilaa iyo maalintii aynu dalka soo galnay furnaa ee Midowga yurub lagu xidhay.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.  Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu hore u codsaday in xafiiska la ballaadhiyo, balse natiijo kale soo baxday, waxana uu yidhi,“Anigu hore waxan Midowyga yurub ugu sheegay inay Xafiiska ballaadhiyaan, balse maanta taas Beddelkeeda taas waa la xidhayaa. Waana nasiib-darro.”  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro)oo isaguna warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay inay xukuumaddu wakhti badan gelisay burburinta xisbigiisa Waddani, isla-markaana ay dayacday doorkii ay beesha caalamka kula macaamili lahayd, waxana uu yidhi,  “Xukuumaddu waxad mooddaa inay ku mashquushay inay waddani dadka ka saarto, laakiin maanta waxa muuqata in beeshii caalamku ay ka baxayso Somaliland, marka inay inadhaheeda soo jeediso, ayaa loo baahan yahay. Beesha caalamka macaamil baynu lahayn, Xafiiska Midogawga yurubna waxa la furay 1995-kii, iyadoo dagaallo sokeeye iyo nabadgelyo darro jirto, maanta oo ay wax waliba nabad yihiinna waxa keentay macaamil xumada iyo diblomaasiyadda xukuumadda, tanina waa Bilowe waxa laga yaabaa inay xafiisyo kalena ku xigaan.”  Dhaliilahan mucaaridku dusha ka saareen Xukuumadda, ayaa ka dambeeyey markii ay soo baxeen warar sheegaya in Midowga Yurub ee Gebi ahaanba xidhi doono Xafiiskooda Hargeysa, iyadoo sababtana lagu sheegay Xidhiidhkii ay Somaliland la lahaayeen oo ay si weyn u waxyeellaysay muddo-kordhintii dhawaan Guurtidu samaysay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here