“Mucaaridka Waxaan Leeyahay Shakiga Iska Saara Doorasho Xor Ahi Way Inoo Dhacaysaa, Xaqiinna Waad Helaysaan Oo Cid Idinka Celinaysaa Ma Jirtee”

0
99

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U horreysay Wax Laga Weydiiyey Amuuro Ay Kamid Yihiin Hoggaamintiisa siyaasaddeed iyo Su’aasha Ay Ra’yul-caamka Qaarkood Geliyaan Xaalladiisa Caafimaad 

 

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha JSL Md. Axmed MAxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii u horreysay ka warceliyey weydiimo ay warbaahinta xukuumaddu su’aashay oo ku sabsan amuuro ay kamid yihiiin  xaalladdiisa caafimaad iyo xaallada siyaasadda Dalku halka ay haatan marayso. Sidoo kale waxaa uu ka jawaabay madmadow ay siyaasiyiinta mucaaridka ahi geliyaan qabsoomida doorashada. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ugu horrayn la weydiiyay sida uu u arko khaadhadh qaybinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobollada Sool iyo Sanaag, waxaannu yidhi; “Waxaan aad ugu guubaabinayaa dadweynuhu inay qaataan kaadhadhka codbixiyeyaasha, ahmiyad weyn ayay inoo leeyahay qaadashada kaadhka codbixintu, waxaynu ku gelaynaa doorasho xor iyo xalaal ah, waa xaq shacabku leeyahay waayo waxa aynu nahay dal dimuqraadiya oo madax-bannaan. Waa inay markay doorashadu timaado dhammaanteen u diyaar-garownaa, sidaas darteed waa in kaadhka codbixinta la qaataa oo si aynu ugu diyaar garowno doorasho wanaagsan oo xaq ahi innoogu dhacdo.” Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko in siyaasiyiinta mucaaridku ay ku dhaliilaan taageerada uu siiyo murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaannu sheegay in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo leh nidaamka axsaabta badan, isaguna uu ka tirsan yahay xisbi; “Dal dimuqraadiya ayaynu nahay oo axsaab (xisbiyo) ayeynu nahay, waxaan ka tirsanahay xisbi, haddii aanan Murrashaxa xisbigayga taageerin yaan taageeri lahaa? Dabcan ummadda waan u simanahay si marka loo eego, laakiin xisbi ayaan ka tirsanahay, xisbiga aan ka tirsan nahay murrashaxiisa waan taageerayaa, waana waajib iyo xil i saaran,”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaannu intaas ku daray: “Mucaaridka waxaan leeyahay dal dimuqraadiya ayaynu nahay xaqiina waad helaysaan, cid xaqiinna idinka celinaysaa ma jirto, aynu wada hawlgalo oo aynu wada shaqo galo, shakigana iska saara oo iska daaya insha laahu doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa inoo dhacaysa.” Madaxweynaha oo la weydiiyay in siyaasiyiinta qaarkood ay wax ka sheegaan caafimaadkiisa, kuna doodaan in dalka cid kale ka taliso, waxaanu ku jawaabay; “Iyaga hala waydiiyo cidda ka talisa dalka, anigu waan caafimaad qabaa, dalkana anigaa madaxweyne ka ah oo ka taliya, haddii ay iyagu (mucaaridka) sheegayaan inay cid kale taliso iyaga ha la weydiiyo.” Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay inuu leeyahay mus-dambeed talada wax ku lihi, waxaannu ku dooday in talada dalka aanu cidna uga dambaynin; “Xilka iyo masuuliyada i saaran cidna ugama dambeeyo, xilka iyo waajibka ii saaran waan ka soo baxaa, si fiicanna waan u gudataa. Waa la wada shaqeynayaa anigu kaligay ma ihi ee waa la ila shaqeeynayaa aad ayaanan ugu mahadcelinayaa dadka ila shaqeeya ee had iyo jeer u soo jeeda ee u halgamaya dalkan madax-bannaanidiisa,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay saddexda murrashax ee xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID inay u hoggaansamaan natiijada doorashada madaxtooyada ee muddaysan inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka November ee sannadkan, waxaannu yidhi; “Murrashaxiinta waxaan u soo jeedinayaa, tartan xalaal ah ayaynu galaynaa, markaa tartanka aad ka qaybgalaysaan nin walowba nasiibkaaga ka qaad, wixii ka soo baxana sharci ahaan ha loo wada hoggaansamo.” Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay fariinta uu u dirayo dadka qawadsan in doorashadu u dhacdo hannaan xor ah, waxaannu yidhi “Waxaan leeyahay shakiga iska saara, dalkani waa dal madax-bannaan waana dal siyaasadiisu bislaatay oo gaamuray isla markaana garanaya wuxuu qabanayo. Doorashadu si wanaagsan ayay inoogu dhici doontaa cid waliba waa inay u diyaar-garowdaa inay u hoggaansanto wixii ka soo baxa.” Madaxweynuhu waxa aad ugu dardaarmay inay bulshadu ilaashato nabadgelyadda iyo amaanka dalka oo ay meel ugu soo wada jeestaan ciddi wax u dhimaysa; “Amaanka maslaxadda iyo danteenna ayaa ku jirta waa xil iyo waajib ina saaran in aynu kuligeen ilaalinno nabadgelyada qaranka iyo wada jirkeena.” Ugu danbayn madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay marka uu xilka wareejiyo inuu ka shaqeyn doono danihiisa gaarka ah iyo kuwa dalkaba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here