Burco (Hubaal):- Qoys ku dhaqan Xaafadda Aktoobbar oo ka mid ah Xaafadaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Mucjiso aan hore loo aragi la soo deristay, isla markaana Cuntada ay karsadaan iyo Biyaha ay shubtaanba yeelanayaan midabbo aanay hore u arag oo kala duwan, iyaga oo Biyo kasta oo ay Shubtaan ay xumbaynayaan, isla markaana ay Midabbo nooc nooc ah yeelanayaan, halka ay Cuntaduna nooc kasta oo ay tahay midabbadaas yeelanayso.
Qoyska ay dhibaatadani la soo daristay, ayaa ka sheekeeyey Mucjisada ay arkeen iyo xilligii ay ku bilaabantay oo ay sheegeen inay muddo bil ah soo socotay, Cunto kasta oo ay karsadaan Loox, Bariis, Baasto, Hilib, Shaah iyo Laxoox-ba ay is-beddelayaan, ay Biyuhu Xumbno samaynayaan. Waxaanay sheegeen in markii dhibaatadani ku badatay ay Culimada Burco Warqado u qorteen si ay ugu soo gurmadaan oo ay Qur’aan ugu akhriyaan Qoyskaas iyo Guriga ay deggan yihiin.
Dadka la deriska ah ama la jaarka ah Qaarkood, ayaa iyaguna Saxaafadda uga warramay markii ay ogaadeen Mucsijsada Qoyskan heshay iyo waxyaabaha ay goob-joogga u noqdeen ee ay arkeen, waxaanay sheegeen in ay isku dayeen inay Cunto u kariyaan Qoyskaas, ka dibna Biyaha ay dabka saaraanba nooc kale isu beddelaan, Cuntana ay suuragal-ba u noqon wayday inay u sameeyaan. Sidoo kale, qaar ka tirsan Culimada u gurmaday Qoyskaas, ayaa iyaguna Saxaafadda la hadlay. “Muddo illaa laba bilood ah baa hooyada biyaha wax loogu darayay oo markaas ba waanu qubaynay annaguna maanu soo bandhigin, laakiin markaanu u adkaysan kari weynay ayanu culimada warqad u qoranay oo aanu masaajidada u qoranay warqad annaga oo illahay ka baryayna in illaahay naga saaro waxan nagu dhacay oo runtii meel allaale meel naloogayimi aanaan garanayn”. Sidaas waxaa warbaahinta u sheegtay mid kamid ah haweenka aqalka degen, waxanay intaa ku dartay oo ay sheegtay in marxuumaddii hore u lahaan jirtay gurigan ay hadda degen yihiin ee masiibadu ku dhacday ay dhimatay, annaguna immika bil iyo badh baanu ku jirnay aqalka oo aniga iyo hooyaday baa ku noolayn, hadana walaashay baa ku soo guurtay guriga oo aanu ku wada noolayn, markay ii timi baan ku idhi naa cuntadu sidaas bay kolba noqonaysaa iyaduna way aragtay, oo shaaha aanu karnaaa midabkiisu wuu is badalayaa, caanaha aanu qooshannaa wuu is badalayaa bariisku wuu is badalayaa, dabadeedna sidaasaa wax waliba noqdeen”. Ayaya tidhi haweenaydani,