Mudaharaado Loo Diyaarinayo Kooxda Farmaajo & Maamul Goboleedadiisa Oo 7-da Bishan Ka Dhici Doona London

0
14

Waxa Lagaga Soo Horjeedaa Xaraashka 50 Block

By: Max’ed Fariid

Batroolku waa khayraad faa’iidadiisa iyo khasaarihiisa leh waxaynuna ogsoonahay in batroolku burburiyey Waddamo badan oo ay ka mid tahay dawladii hore Somaliya la odhan jiray, marka lag maqlo dhegta bartol waa yeelanaya sawir Nolol umadeed qayb ka qaadan kara, horumarna horseed u noqon kara iyadoo sidaa laga duulayana waxay abuurtay curashada kacaankii warshadaha( Industrial Revaluation) hase ahaatee hadda waa sheyga ugu badan ee abuura dhibaatooyinka Maxsuulkii ka dhashay kacaankii warshaduhu (Environmental Pollution).

Sahaminta batroolka ee dawladii Somaliya la odhan jirey sida ay taariikhdu qorto waxaa la bilaabey 1912 kii, marka laga soo bilaabo wakhtigaa waxaa marba marka ka sii danbaysa soo kordhayey tartan u dhexeeya dhaxeeya shirkado badan, kuwaas oo ay qaarkood dawlada Somaliya ka dalbadeen in loo ogolaado qaybo ka mid ah Barriga (Onshore) halka ay kuwo kale ay dalbadeen qaybo ka mid ah badda (Offshore).

Xiisaha batrolka Somaliya loo qabo ee sii kordhayey  1970 illaa 1980 dawladii Somaliya waxay la  gashey heshiisyo batrool kuwaas oo loogu magac darey (Petroleum Sharing agreement ), Shirkadaha ay la gashay ayay ka mid ahaayeen  GECO iyo Shell waxaana ay la galeen heshiis dhinaca badda ah (Offshore), halka ay shirkadaha Quintana Oil Company iyo Hunt Oil Company  ay iyaguna la galeen heshiis dhinaca berriga ah (Onshore), shirkadahan iyo kuwo kale oo  aanan qormadan ku xusini waxay bahwadaag la yihiin todobada shirkadood ee ( Seven Sisters)la isku yidhaahdo, sidoo kale waxay la mideysan yihiin 50 ka shirkadood oo maalgashigoodu qaaradaha aduunka u kala gooshay (Transnational Corporation and Foreign direct investment ).

Khilaafaad soo kala dhax-galay Dawlada Somaliya iyo shirkadihii batroolka ayaa waxa ay sababeen in heshiis –yadii ay dawladii somaliya ka baxdo dhamaantood , 1989 Shirkado ay ka mid yihiin Amoco, Chevron, Agip, Conoco, waxay shaaca ka qaadeen in ay doorbidaan isbedel  xukun oo ka dhasha waddankii somaliya la isku odhan jirey, iyadoo xiligaa jabhadii SNM iyo USC ay halgan aan joogsi lahayn kula jireen dawladii milateriga ahayd ee xukunkeedu ahaa mid la karaahiyeysey, waxaanu noqday halgankaasu mid lagaga guul gaadhay xukunkii keligii taliska ahaa ee siyaad barre meeshana lagaga tuuro.

Jamhuuriyada Somaliland oo iyadu si bilaa shuruud ah ugula midowday koonfurta somaliya ka dib lix maalmood oo ay ahayd dawlad madaxbanaan waxay ku dhawaaqday in dawladnimadeedii dib ula soo noqoto gooni isutaagna ay kaga dhawaaqdo magaalada burco, go’aan muddo loo fadhiyey oo ay gadheen ergo ka koobnayd beelaha dega jamhuuriyadii Somaliland la isku odhan jirey.

Hadaba waxaa jiray Sharciyo laga soo minguuriyey dawladii somaliya ee meesha laga saaray, kaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirada Somaliya 2016, waxaana loogu magac darey “Petroleum Bill” waxa uu ka kooban yahay 47 nuqul (Article) waxaynuna ka so qaadanaynaa 5 nuqul kuwaas oo kala ah :

—- Mulkiyada ama Lahaanshaha batroolka somaliya waxa uu ka dhaxeeyaa dawlada dhexe iyo Maamul Goboleed-yada.

—  Masuuliyada iyo Illaalinta shirkadaha batroolka iyo qalabka waxaa masuul ka ah dawlada dhexe.

—- Waa in la dhiso xubno u xilsaaran shaqooyinka shiidaalka (Somalia Petroleum Authority) waa in ay ka koob naadaan 9 xubnood waxaana loo qaybsanayaa, 3 xubnood waxa ay ma talayaan dawlada dhexe 6 kale waxa ay ma talayaan maamul goboleed-yada .

—- Hishiiska batroolka waa in uu saxeexa Wasiirka wasaarada batroolka sido kale waa in ay ka tala bixiyaan xubanaha SPA(Somali Petroleum Authority).

—- Dakhliga ka soo xarooda shiidaalka waxaa loo qaybinayaa labo dhinac oo kala ah dawlada dhexe iyo Maamul-goboled yada.

Nuquladan kor ku xusan waxay qeexayaan ama muujinayaan in heshiis batrool aan la gali karin, iyada oo aan loo-dhameyn maamul-goboleed iyo dawlada dhexe, baryahan danbe dawlada somaliya waxay dardar galiyeen Wasaarada batroolka iyo macdanta waxa ay galeen muddo kooban heshiisyo badan, bishii 11/21/2018 wasaarada batrolka iyo macdanta waxa ay ka qayb galeen shir ka dhacey Cape Town waxa ay bixiyeen 206 xidhmo (Block) ma dhihi- karno waa heshiis batroolka ee waa xaraash.

Bishan febarwery todobadeeda ayaa kulan ka dhici doonaa magaalada caasimada u ah wadanka ingiriiska ee london, kaas oo lagu xaraashi doono 50 Block oo ay koonfurta somalia leedahay, heshiiskan oo ah mid xaraash ah iyo kuwa ka horeeyeyba waxay abuureen khilaaf muddo 7 doba bilood ah ka dhex taagnaa dawlada farmaajo iyo maamul goboleedyadeeda, waxaana umada soomaaliyeed ee ku sugan gudo iyo debedba ay isu diyaarinayaan mudaharaado gudo iyo debedba ka dhici doona kuwaas oo maalinta ka horraysa iyo maalinta uu kulanku dhacayoba aan kala joogsi yeelan doonin.

Waxa Qorey, soona diyaariyay: Max’ed Fariid

Fariidboy93@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here