Hargeysa(Hubaal)- Sida ay Sheegayaan Wararka madaxbanaan ee naga soo gaadhay Deegaanada Maydh iyo Xiis ayaa waxa ay sheegeen Mudaharaado xoogan oo ka Dhashay Doonyo laga saaray Bada ay ka dhaceen deeganadaas,Sida uu noo sheegay oday Jaaamac Dhunkaal Dube oo kamida Odayaasha Degmada Maydh oo khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi”waxa maanta ka dhacay maagalada qadiimka ah ee maydh mudaharaado salmiya oo ka dhashay doonyo si sharciya uga kaluumaysan jiray bada oo tiradoodu gaadhayso 13 ayaa laga soo saaray bada iyadoo ay dadweynuhu aad uga kaceen arinkaas oo sababi kara falal amni daro oo ka dhaca deeganada xeebta bari ee dalka ,maxaayeelay Doonyahan waxa ku xidhnaa oo shaqo u ahayd 10,000 boqol kun oo qoys .
Sidoo kale waxa isna arintan ka hadlay Oday Faarax Cali Jaamac oo isna ka mida Odayaasha magaalo xeebeeda Maydh ayaa isna ka warbixiyey xaalada ka taagan magaaladaasi isagoo isla markaana ku nuux-nuuxsaday sida dhibaa,Sidoo kalena waxa ay Taliyaha Bada ee Aaga Bari kula dardaarmeen inuu dhawro wixii nabadgalyada ka hor imanaaya isla markaana uu xuquuqdooda muwaadin-nimo dhawro dadweynaha Deegaanadan oo ay kasoo dhexbaxeen ciidankiisu.
Dhinaca kale odayaasha iyo Madax-dhaqameedka Deegaankaas ayaa si wada jira uga hadlay xaaladan iyagoo isla markaana si mugle ugu baaqay in dawladu ay joojiso waxyaabaha bulshada kicinaaya isla markaana ay dhawrto sharciga iyo hanaanka maamul ee dalka ka jira isla markaana la fasaxo doonyahan lasoo xareeyey ee sifaha sharciga ah ku joogay dalka isla markaana soo wada maray shuruudihii ay xukuumadani ku waajibisay taasoo ay sheegeen in laga wada hayo cashuurtii iyo aqoonsiyadii isla markaana ay dalka u joogaan doon kasta wakiil lagala xisaabtamo waxii ka yimaada sharci daro
Magacyada Odayaasha Baaqa Soo Saaray
- Boqor Maxamed Nuux
- Suldaan Cali Yuusuf Bada Cas
- Suldaan Siciid Carab
- Xuseen Xasan Liibaan
- Xuseen Cabdile Yacquub
- Jaamac Xasan Yuusuf
- Axmed Cabdi Guhaad
- Faarax Cali Jaamac