Mudaharadkii Ugu Balaadhnaa Ee Lagaga Soo Horjeedo inqilaabka ay Xukuumadu ku Waddo Guddoomiye Cirro Oo Maanta Gil-Gilay Burco + DAAWO SAWIRRO Dhimashada Iyo Dhaawaca Uu Sababay

0
26

Burco (Hubaal) Waxa Maanta si Wayn Gudaha Magalada Burco u Gilgilay Mudaharad Baladhan Oo Dadwaynaha Magalada Burco ay Kaga Soo Horjedaan inqilaabka ay Xukumada Silanyo ku Wado Gudomiyaha Golaha Wakiilada S/land C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Dadwaynaha Maanta Mudahadayay ayaa iyagu ahaa Dadwaynihii Abid Ugu Tirada Badnaa Ee ka Mudaharada Gudaha Magalada Burco isla Markaasna si wayn u Didanaa inqilaabka ay xukumadu ka wado gudaha aqalka barlamanka.

Mudaharadkani Baladhan Ee Maanta ka Dhacay Gudaha Burco ayaa isagu Sababay Dhimashadda Hal Qof Oo Dumar iyo Waliba Dhaawaca Todoba Qof Oo Shacab ah,

Alle How Naxaristee Marxuumada Maanta Ku Geriyotay Mudaharadkani ayaa Waxa Toogtay Ciidamada Milateriga Gobalka Togdheer Halka ay Todobada Qof Ee Shacabka ahna Ee iyagu Maanta ku Dhawacmay Mudaharadkanina ay Dhawaceen Ciimadda Boolisku,

Dadwaynaha Mudaharadayay ayaa iyagu ku Dhawaqayay Hadalo ay ka Mid ahayeen ” Dowlada Silanyo Faraha Hakala Baxdo Aqalka Barlamanka,Gudomiye Cirro Shacabka Reer Somaliland Oo dhan ayaa Soo Doortay Silanyo iyo Kuwa u Daba-Dhilifka ahi ma Ridi-Karaan,Hadi Cirro Barlamanka Laga Riddo Silanyo iyo Saleban Gaalna Way ku Xigaan Halla-Ogaado”Dalkii Waa Lagu Soo Duulay Shacabka Reer Somaliland Fadhiga Haka Kacaan Oo Dalka ha Badbadiyaan”

Ciidamadda Booliska iyo Kuwa Milateriga ayaa iyagu Rasaas Xad-Dhaafa u Adeegsanayay Dadwaynihii Mudaharadayay Waxaanay Ciidanku si Toosa Dadwaynaha Ugu Ridiyeen Rasaas Kuwaasi Oo Xabada Hoosta u Ridayay, Waxaanay Ciidamada Boolisku ay iska Caabin Xoogan Kala Kulmeen Dadwaynihii Tirada Badnaa Ee iyagu Maanta Mudaharadayay,

Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Gaashanle Cabdi Muuse ayaa iyaguna ay Maanta Dadwaynihii Mudaharadayay ay Kala Hortageen Dhagaxaan Waxaanay Masuuliyintaasi ay isla Markiiba u Yaceen Dhankaas iyo Xafiisyadooda,

Waxaana Maanta Gudaha Magalada Burco Uu ahaa Mid Jawigeeda Uu Qarqiyay Qiiqa Taariyadu Oo iyagu Meelo Kale Duwan Dadwaynihii Mudaharadayay ay ku Gubeen Taayiro Tirro Badan,

ilaa iyo imika Masuuliyinta Maamulka Gobalka Togdheer iyo Kuwa Ciidamada Booliskuba Kamay Hadlin Khasaraha Xoogan Ee ka Dhashay Mudaharadkani Gilgilay Magaladda Burco,

Mudaharadkani Oo Saaka Bilabmay abaaro 08:30 Subaxnimo ayaa ilaa imika Socda Waxaana Mudaharadka intiisa u Badani ka Socdaa Siiroga Dowlada Hoose,mudaharad7-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here