Gudaha Ka Akhri Magaca Naftii-halligahan iyo faahfaahinta warkiisa
Hargeysa:(Hubaal)-Sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afka kooxda Al-shabaab ee Andulus, waxa weerarkii is-qarxinta ahaa ee maalintii shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee u dhaw garoonka Aadan-cadde fuliyey muwaadin shalasho ahaan kasoo jeeday Somaliland, kaas oo hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Somaliya.
Naftii-huraha weerarkaas khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca iskugu jirey fuliyey, ayaa magaciisa lagu sheegay Ex-xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax-Badbaado), kaas oo muddo lix sano ku siman ka hor iskaga baxay Baarlamaanka oo uu muddo kasoo tirsanaan jirey.
Fariin cod ah oo laga duubay ka hor inta aanu fulin weerarka oo ay baahisay Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayuu Saalax Badbaado kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedada uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo xoogaga Al-Shabaab.
Codka la sheegay inuu yahay Ex-xildhibaan Saalax Badbaado, ayaa sidoo kale farriin loogu diray shacabka reer Somaliland uu is-qarxiyahaasi dhalasho ahaan kasoo jeeday, waxana uu ugu baaqay inay diinta islaamka isku xukumaan.
Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG ee dowladii Shiikh Shariif ayaa sanadkii 2010 u goostay Al-shabaab tan iyo xiligaasna meel fagaare ah laguma arag, waxana wararka soo baxayey sheegayeen inuu kamid noqday kooxda Al-shabaab.
Dawladda Federal-ka Somaliya wali kama ay hadlin warka sheegayaa in mudane Baarlamaankeeda katirsani qarax uu naftiisa ku halligay fuliyey, iyadoo dhinaca kalena ay soo baxayaan warar shaki salka ku haya oo ku saabsan hubaal laanta shacabka ka haysata dadka loo xulo Baarlamaanka.
Kooxda Al-shabaab, ayaa inta badan codad ka duubta shakhsiyaadka weerarrada is-qarxinta ah fuliya, ka hor inta aanay camaliyaddooda fulinin, iyagoo faahfaahin ka bixiya marka dambe cidda uu shakhsigaasi ahaa.