Muqdisho (Hubaal) Wararka aan ka heleyno Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa sheegaya in goordhaw kooxo bistoolado ku hubeesan ay gudaha Suuqaasi ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa Baarlamaankii Dowlada KMG ee Soomaaliya .
Goob jooge ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in labo dhalinyaro oo Bistoolado ku hubeesnaa ay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Cabdalla Shideeye ay ku dileen Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Xaaji Cali Aadan.
Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa dilka kadib gaadhay Suuqa Bakaaraha, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen howlago ay ku baadi goobayeen ragii dilka ka dambeeyay oo la tilmaamay in xili hore ay goobta ka baxsadeen.
Magaaladda Muqdisho waxaa xiliyada qaar ka dhaca Dilal qorsheesan oo loo geesto Xildhibaano iyo Masuuliyiin horey ula soo shaqeeyay Dowladihii KMG ahaa , waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalkaasi geesta.
source:allbanaadir