“Dedaalkii Nabadeed waxa dhabarka ka jabiyey, Go’aan u gaar ahna qaatay oo ciidankii Aaggii kasoo saaray Taliyaha Ciidanka Qaranka, oo kasoo dhaqaaqay Beelihii oo wali Xabad isla horfadhiya.” Xil. Koore
Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo katirsan Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiillada, lagana soo doorto Gobolka Xaysimo, ayaa ka Warbixiyey socdaal uu dhawaan ku Tegey Deegaanka Taleex iyo wixii u qabsoomay Guddi uu kamid ahaa oo dhawaan Madaxweynuhu u igmaday Daminta Shaqaaqo laba beelood dhexmartay. Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore, waxa uu sheegay in Guddi ahaan ay tallaabooyin horumar leh u qaadeen dhinaca daminta shaqaaqadaas, balse ay jiraan Caqabado ka horyimi oo keenay in dedaalkii ay guddi ahaan wadeen noqdo mid aan midho dhal lahayn. Ugu horrayn waxa uu xildhibaanku faahfaahiyey waxyaabihii u qabsoomay, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Wafti aan ka mid ahay oo uu hoggaaminayo wasiirka Biyaha, ayaa Gobolka Xaysimo, gaar ahaan Magaalada Taleex u tegay, halkaasna waxanu u tagnay arrimo ka dhex dhacday laba beelood oo ciidanka qaranku u gurmaday, waxyaallo badan baan aanu ka qabanay.” Xildhibaan Koore waxa uu sheegay uu Taliyaha Ciidanka qaranka ku eedeeyey inuu xagal-daacin weyn u geystay Tallaabooyin nabadda Deegaanka Taleex dhidibada loogu taagayey, waxana uu sheegay in iyadoo Waftigii aan wax talo ah la weydiin ciidankii aagga dib loosoo saaray, “Arrintaasi qaranka somaliland waxay u ahayd dan iyo siyaasaddii Guud ee Ciidanku u tegay Aagga Bari, waxana ay ciidanku Guul ka gaadhay inuu kala dhexgalo beelihii halkaas isku laynayey, arrintaa waxa dhabarka ka jabiyey, iyadoo aan wafti ahaan wax nalagala tashaday aanay jirin waxa Go’aan u gaar ah qaatay oo ciidankii Aaggii kasoo saaray Taliyaha Ciidanka Qaranka.” Ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore. Waxa uu xildhibaanku intaas ku daray inay Goobtii ka yimaaddeen Waftigii loo igmaday daminta Shaqaaqadu, iyadoo Beelihii dagaallamay wali is horfadhiyaan, waxana uu yidhi, “Waxa laga soo dhaqaaqay Goobtii iyadoo beelihii xabad isla horfadhiyaan oo aan Guddigii Madaxweynuhu diray ee aanu kamid ahayn lagala tashay, waxana aan Halkan ka sheegayaa in arrintaasi wali u baahan tahay in la xalilo.” Waxa uu tilmaamay xildhibaanku inay jiraan Jallaafooyin hoose oo lagu xagal-daacinayo Nabadda dedaalkeeda la waday, taasoo uu sheegay inay qayb ka ahayd in ciidanku xuduudooda sugaan, “iyadoo ciidanku halkaas si nabadgelyo ah u gaadhay oo lasoo dhaweeyey, ayaad Haddana mooddaa in xagal-daacin lagu samaynayo sidii xuduudka iyo deegaanka loo gaadhi lahaa, isla-markaana Maamulku ka Hano qaado dhammaan qaybaha somaliland.” Ayuu yidhi Xildhibaan Koore. Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore waxa uu ku baaqay in arrintii colaadda deegaankaasi sideedii u taagan tahay, isla-markaana la su’aalo cid aanu si gaar ah u magacaabin oo uu sheegay inay waddo dhabar-jabin dedaalka nabadda ka dhan ah, waxana uu yidhi, “Waxan Madaxda qaranka oo madaxweynuhu ugu horreeyo u sheegayaa in arrintii taagan tahay oo xal u baahan tahay. Ciddii arrintaas dhabar-jabka ku samaysayna la weydiiyo sababta ay u dhacday, Ciidanka qaranka Ee Goobta Tegayna waanu isweyraysanay, daacad bayna ahaayeen, Hawl fullina diyaar bay u ahaayeen, dadka deegaankuna waa soo dhaweeyeen.” Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa waxa uu kamid ahaa Wafti ballaadhan oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u igmaday inay damiyaan colaad laba beelood oo walaalo ah u ku dhexmartay deegaanka taleex, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac tiro badan, balse ilaa iyo haatan ma jiraan wax horumar muuqda ah oo arintaas laga gaadhay.