“Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”
Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa in dawladeena aynu ku baarujino in xilka ay hayaan uu turxaan badan yahay misan hore loo sheegay in ninka xilqaaday uu eed qaaday oo uu xil guntaday, taasina waxa caddayna shacabka oo cabashada ay ku hayaan dawladu ay tahay mid maalinba maalin kasii badan tii hore, shalay dadku waxay ka hadlayeen biyo la,aan,laydh la,aan iyo waddoyin la,aan laakiin maanta waxaa intaas uraacaday Cashuurtii oo lugu kordhiyey iyo waddanka oo aan dhaqaale lahayn.
Mudane hadii xalada dalku ay tahay mid maalinba maalin kasii daraysa xaga dhaqaalah iyo horumarka ma kula tahay in aad bulshada la hadashid oo aad fariin u dirtid isla markaana qaadid talaabo Qaran oo dhalinta jaamacadaha kasoo qalin jabiyey ee muddada sanaddada badan wax baranaayey in aad ku jiahaysid sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa oo lagaga faaidaysto awoodan cusub ee dhalinta waddanka ku nool hadda hadii ayna iyaguna kaba bixin oo aanay raacin talaabadii kuwii hore ee markii la jihayn waayey iyagu waddo khaldan isku jiheeyey.
Muddane qodobka 11aad ee Dastuurka qaranku waxa uu tilmaamayaa Dhaqalaha waddanka isla markaana xaqiijinayaa in kobcin iyo shaqo abuur la sameeyo waxa uuna u qoranayahay sidan “Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soosaarka, kor u qaadidda heerarka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, dawladu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaneed, hantida wadareed,hantida qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha” muddane qodobkan intiisa ugu muhiimsan ee ah xaqiijinta iy kobicnta shaqo abuur, sida la rumaysan yahay kamay hirgelin waddanka.
Haddaba maxay dawladu iyada ayaa waddanka dhaqaalihiisa maamusha ee dawlada laf ahaanteedu u maal-geshan wayday waddanka oo warshado waxsoosaar oo faaido u leh shacabka ugu samayn weyday, isla markaan ooga faaidaysan weyday xoogan dihin ee dhalinta waxbaratay iyo kuwan muruqa iyo awooda leh ee wixii loo diraba kasoo baxay, misana miyeyna ahayn in dawladu bilawdo mashuruucyo iskaa wax u qabso ah oo dadka lugu guubaabinayo in ay wax qabsadaan oo waddankooda ka faaidaystaan.
Muddane Ma amar iyo xogo dheeraad ah oo aan la fulin Karin ayey u baahantahay hadii dhalinta meelaha xun-xun fadhida ee qaadka iyo sigaarka ku cunaysa hadii looga faaidaysto waxqabad guud oo iskaa wax-qabso ah isla markaana la hor kaco oo Wasiirada xilalka haya iyo Agaasimayaashu horumuud ka noqodaan Adigun aad noqotid Gudoomiye guud oo dusha kamaamula.
Haddaba gacmo wadda jir bay wax ku qabtaane, dadka shacabka ahi gaar ahaan dhalinyardu waxay idhaahdaan xoogaygii iyo cilmigii aanu soo baranay waxaa aanu ugu faaidaynaynaa waddankan aan u dhalanay ee aanu iska leenahay, xaga dawladuna tidhaaha waxsoosaarka waddanka ha kafaaidaystaan dhalinyarda iyo bulshada shacabka ahi oo waddankooda ha kashaqaystaan; is waafajinta(iskubeega) labadan ayaa ah mid muhiim u aha bulshada iyo dawlada.
Qaybta 2aad
“Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”
Qaybteenan labaad ee maqaalkan aan u bixiyey muddane ma i maqashaa oo ah warqad ku socota xukumada uu maddaxweynuhe Ahmed Silaanyo gadhwadeenka ka yahay iyo Xukumadaha ka dambeeya ee Maamulka dalka soo hunguraynaya in ay ku dhaqmaan oo fuliyaan Xeerarkan ku qoran dastuurka, taas oo aan ku caddaynayo hadii xeerarkan heshiiska lugula galay dadka ee shacabka Somaliland u codeeyeen in dalka lugu maamulo, hadii sidii loogu talo galay u fuliyaan in wax badan oo imaka shaki iyo tuhun leh ay ka bixi lahayeen.
Qodobka 12aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Cadaynayaa Hantida-Guud, khayraadka dabiiciga ah iyo waxsoosaarka waddaniga ah, hadaba qodobkan oo inta ka-suurto gashay ay tahay in aad u yar, ayaa waxaa shaki ku abuuray bulshada Somaliland in khayraadka dalka oo ahayd in muwadiniita u dhasay waddanku ka faaidaystan kana shaqaystaan in ay tuhun iyo shaki kaqabaan in Hayadahan waddanka jooga ee ku shaqada leh deegaanka iyo baadhista shidaalku in ay sitaan qalab ay ku xaalufiyaan macadantii dhulka isla markaana in dawladu u ogolaatay dad shisheeye ah in ay ka gurtaan khayraadka badda ee ah kaluunka iyo noocyadiisa kala duwan.
Muddane qodobka 18aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadanayaa “Deegaanka iyo Wax-ka qabashada Aafooyinka” ,sanad walba waxaa dalkeena ka dhaca abaaro joogto ah, taas oo keenta in bulshada dalkeenu gaar ahaan xoolo dhaqtada iyo beeralaydu dhib weyn u gaysta, taasna laga dareemo Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo laga dareemo suuqyada busaarad iyo lacag la’aan ka dhacada.
Muddane sida uu qeexayo xeerkani waxa uu u dhiganayahay “Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada,cuduradda faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talagal” Sanad walba waxaa dooxyada iyo togoga dalkeena mar biyo aad u faro badan oo ka faaidaysiga qarankani uu aad u yaryahay, misana laba cisho gudahood biyo la,aan aanu ka joogno, iskadaa tuulooyinka iyo hawdka durugsan ee xitaa magaalooyinkii waaweynaa ee caasimadii Hargaysa kamid tahay ay biyo la’aani soo foodsaarto, Hadaba bal malee muddane hadii biyahan laga faaidaysto oo la xidho dhaammam biyo qabtin ah faaidada ay bulshada iyo qaranka u yeelan karto, bal malee beeraha iyo waxsoo saarka laga qabsan lahaa, bal malee oo xitaa biyahan la qabtay wax laga dhalinkaraa dabka (korntada).Haddaba mudane sidan uu qodobkani caddaynayo maxay xukumada iyo dawladu mawqif kutalogal ah uga soo saari weyday arinkan, mise xeerkan Dastuurka ku yaal lamaba akhriyin.
Muddane sida uu Dastuurku sheegayo “Dawladu waxay dhiiri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macadanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah” Hadaba qodobkan muhiimka u ah bulshada iyo dawladu wax uu noqonayaa xeer aad u muhiim ah oo ku dhaqankiisu uu umadda u horseedi lahaa horumar iyo dhaqaale ay helaan, laakiin hadii dhamaan khayraadkii waddanka lugu wareejiyo sharkado shisheey ah, waxaa sii yaraanaya runta iyo xaqiiqada ah in guul laga gaadho oo lagag dhabeeyo horumarkan beeraha, kaluunka iyo macdanta ee uu dastuurku sheegayo.
Lasoco ……………………..
W/Q: HAMSE BASHE MUHUMED
Student at Alpha University College
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargaysa Somaliland