Mudane Reer Saaxil ah Oo Sharraxay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dahab Shiil Iyo DPWorld Oo Tuhun Badani Isku Dhereray

0
61

Waxa Uu Qiray Inay DPWorld Iyo Dahabshiil Isku Milmeen Oo Hanti Badan Imaaraadku Leeyahay Lagu Keydiyey Bangiyada Dahab shiil

naasir cali shire

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo kamid ah mudaneyaasha aqalka wakiillada ee laga soo doorto gobolka Saaxil, ayaa shacabka u sharraxay xidhiidhka ka dhexeeya shirkadda Dahab shiil iyo shirkadda kale ee dalka Imaaraadka laga leeyahay ee DPWorld oo dhawaanahanba sas  ballaadhan laga muujinayey xidhiidh hoose oo ay yagleesheen, kaas oo ay shirkadda Dahab shiil ku helayso adeegyo hoose oo mashaariicda dekedda Berbera oo ay DPWorld la wareegtay la xidhiidha.

Xildhibaanka oo isaga oo Berbera ku sugan warbaahinta la hadlay shalay, ayaa waxa uu qiray inuu heshiis wada-shaqayneed dhex maray labadan shirkadood, waxana uu qiray inay dhammaanba shaqaalaha dekedda Berbera adeegsan doonaan akoonno ay ku furanayaan shirkadda Dahab shiil, kuwaas oo sida uu xusay ay mushaharaadkooda kala bixi doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Shirkadda DAHABSHIIL waa shirkad ganacsi oo in badan dalka ka shaqaynaysay Somaliland na wax badan ka qabatay, DPWorld waa shirkad cusub oo imika Berbera maalgelin ka samaynaysa, waxana dhex maray heshiis wada-shaqayneed oo ku saabsan xagga adeegga, adeegga ay samaynaysaana waxa uu yahay inay Akoonno u furto shaqaalaha, si ninka shaqaalaha ahi uu mushaharkiisa uga doonto akoonka uu ku leeyahay Dahab Shiil.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xildhibaanku sheegay shirkadda DPWorld oo lacago bilyans ah ay dekedda Berbera ku maamulayso gacanta ku haysaa lacagteeda ku keydsan doonto bangiyada shirkadda Dahab shiil, taas oo aanu sheegin sababta keentay in shirkadihii kale iyo bangiyadii kale laga baydho, “Waxa kale oo shirkadda DPWorld go’aansatay inay lacagteeda ku keydsato shirkadda Dahab shiil, markii ay ku ganacday inay tahay shirkad weyn oo ganacsi, waxana aan caddaynayaa inuu adeegaasi yahay mid ay Dahabshiil u fududaydisay DPWorld oo aanay ahayn xidhiidh lagu duudisiyey xuquuqda dad gaar ah oo shirkadda Dahab shiil qaadatay,” ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire.

Xildhibaan Naasir Cali Shire waxa uu sheegay in cay iyo aflegaaddo badan lagu hayo shirkadda Dahab shiil, balse aanu jirin wax heshiis adeeg dhaafsiisan oo labada shirkadood dhex maray.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa dhawaanahanba sas ballaadhan ka muujinayey heshiisyo wada-shaqayneed oo dhexmaray shirkadaha Dahab Shiil iyo DPWorld, kaas oo keenay in dhammaanba shaqaalaha dekedda lagu qasbo inay akoono ka furtaan Dahab shiil, taas oo loo fahmay in macaamiil cusub loo samaynayo shirkadda, balse hadalka xildhibaanka, ayaa wax badan oo dahsoonaa dibadda soo dhigay, dad bandanna marag u noqday.

 Lama garanayo sababta ay shirkadda DPWorld ku dooratay la macaamilka shirkadda Dahab shiil iyada oo ay jiraan shirkado kale oo Baanan ku leh dalka, balse waxa jira shaki soo baxaya oo sheegaya inay shirkadda Dahab Shii ka faa’iidaysatay awoodda dawladda oo ay xidhiidh hoose oo wanaagsan la leedahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here