Mudane Reer Saaxil ah Oo Taageero u Muujiyey Kacdoonka Shaqaalaha Dekedda Berbera Ku Diideen Awaamiirta DPWorld

0
48

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Dayib Xasan oo kamid ah mudaneyaasha golaha guurtida ee kasoo jeeda gobolka Saaxil, ayaa difaacay kacdoonka shaqaalaha dekedda Berbera kaga soo horjeedaan dhaqanada shirkadda DPWorld oo dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekedda.

xildhibaan dayib

Xildhibaanka oo shalay warbaaahinta la hadlay, ayaa dhaqannada shirkadda DPWorld ku tilmaamay qaar aan xilligan loo baahnayn, isaga oo xusay inay shaqaaluhu mar walba xaqa koowaad leeyihiin, maadaama oo ay muwaadiniin yihiin, “DPWorld loogama baahna sidan ay bishii ugu horraysay u dhaqmayso, waayo shaqaalahan  ka Awoow ilaa ka Awoow meeshanay ka shaqaynayeen, xaqa koowaadna waxa leh muwaadinka ee yaan dhibaato iyo jujuub wax lagu doonin” ayuu yidhi xildhibaan Dayib.

Isaga oo hadalkiisa sii wata xildhibaan Dayir Xasan waxa xukuumadda ka codsaday inay shaqaalaha garab istaagto oo aanay ku daawanin shirkadda iyo shakhsiyaad aan dalka u dhalanin ee hoggaaminaya, waxana uu yidhi,

“Shaqaaluhu waxa ay tabanayaan ee ay shirkadda aan muwaadinka ahayn ka tabanayaan ha lala doono oo yaan laga aamusin, haddii aan waxba loo kordhinayninna yaan waxoodii laga carqaladaynin illayn annagu xildhibaannadii dadkaas metelayey baanu nahaye.”

Hadalka xildhibaanka ayaa ka dambeeyey mudaharaaddo iyo shaqo joojin ay ku kaceen shaqaalweynaha dekedda Berbera, kuwaas oo cabasho ka muujinaya awaamiir cusub oo ay soo rogeen madaxda shirkadda dekedda la wareegtay ee DPWorld, waxana xusid mudan inaanu kacdoonkaasi weli meel saldhiganin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here