Mudane Si Masrixiyeysan U Sharraxay Burjigii Uu Ex. Wasiir Xirsi Talo-Xumada Iskaga Siibay Iyo Biqle-Dhabadka Maanta Uu Ku Jiro

0
37

Ma Boqortooyadii Aan Sida Ragga U Ilaasho Kaa Kari Waayey, Ayaad Maanta Sida Dumarka Ugu Ooyeysaa?

Waxa uu ballan Ku Qaaday Inuu Dhawaan Si Faahfaahsan Umadda ugu Soo Bandhigi Farqiga u Dhexeeya Hoggaamiyo Guddoomiye Oo Hadal Hayntoodu Badatay

xildhibaan maxamed jaamac

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga  KULMIYE ku dhex leeyahay aqalka golaha wakiillada Somaliland, ayaa qaab masrixayeysan uga sheekeeyey biqle-dhabadka uu haatan ku jiro Xirsi Cali Xaaji Xasan oo mar ahaan jirey shakhsi awooddiisa laga dareensan yahay Somaliland iyo meelo kabaxsanba, balse haatan aan wax saamayn ah iyo wax awood ah midna ku dhex lahayb bulshadii uu shalay hoggaamiyaha u taqaanay.

Maxamed Jaamac oo sidoo kale ah xeel-dheere xagga sharcig ah si sheeko-faneed ah oo uu milge huwiyey u dhigay sida uu Ex. Wasiir Xirsi u lumiyey awooddii uu wakhti lahaan jirey iyo shaakhkii uu huwanaa, balse uu sida aan ka fiirsashada lahayn u xooray, isaga oo weliba haysan karayey taajka uu wakhtiga dheer xidhaa, haddiiba sida uu ku andacooda uu nacayb shakhsi kale uu awooddiisaas u baabi’yey.

Qoraalka habka maadda ah u dhigan ee uu xildhibaan Maxamed Jaamac bulshada ugu sharraxay qiime-dhaca ku dhacay ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu bartiisa Face-book-gga soo dhigay, ayaa u dhignaa sidatan:

“sheekaba sheekay keentaaye, waxaan xusuustay, mid ka mid ah boqoradii soo maray Dawladdiihii Cusmaaniyiinta oo haysan jiray Andulus, wuxuu ahaa baa la yidhi nin dhalin yaro ah oo noloshu aad ugu macaan tahay. wuxuu ahaa nin aad raaxada iyo dhaldhalaalka aduun ula fogaatay. wuxuu ahaa nin ay ka dadan tahay in rag daba socdo, habeen iyo maalina ay u xadhig samaynayaan sidii ay xilka uga tuuri lahaayee. marna kuma fikiri jirin in uu boqortooyadiisa u ilaashado sida rag u doonayo.

wuxuu lahaa hoyo wanaagsan oo indheer garad ah oo aad uga warwerta ulana talisa.Laakiin ma yeelo waana la yaabi jiray. waxay sidii ahaataba, waxaa dhacay wixii ay baqaysay oo ahaa in la Inqilaabo. Waxay meel cidhiidhi ah kala baxday isagoo in yar ula saaran in cadawgiisu qabto, waa la lugaysay waxay la martay buuro dhaadheer oo Baraf leh isagoo cagaagan bay calalo cagaha ugu duubtay.

muddo markay sidaa ula baxsanaysay bay meel ku nasteen, aaad buu u murugooday, markaasuu aad u ooyey. hooyadii baa xusuusatay talooyinkii badnaa ee ay siisay ee uu dheg u dhigi waayey.

waxay weydiisay su,aal marti dhaxal gal ah noqotay, waxay tidhi HOOYO MA BOQORTOOYADII AAN SIDA RAGGA U ILAASHO KAA KARI WAAYEY BAAD SAAKA SIDA DUMARKA UGU OOYEYSAA.

waxaa taas u eg nin shalay gacanta ku hayey awoodda loo tartamayo ee rag u dibad seexanayo, isagoo gacantiisa ay ku jirto ilaashan waayey ee aan caawa kuu sharaxi karayn maxaad siisatay awooddii dusha lagaa saaray, ma hebel nacaybkiisa, hadda adigoo hebel neceb waad haysan karaysay, haddana maanta ku faraxsan WAXAA LAYGA DHIGAY WAXAAN DHICI DOONIN, HALYEEYGA HALYEEYADA.  wuxuu la mid yahay ninkaas haysan waayey ee u ooyey.

la soco fasiraad xagga sharciga iyo erey bixinta maamulka ah oo aynu ku kala qeexi doonno Guddoomiye iyo Hogaamiye”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here