Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabogalka Hantida qaranka ee golaha wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay hab-dhaqanka reer Somaliland ee la xidhiidha qabatinka lacagta qalaad ee Dollar-ka iyo nacaybka ku lammaan ee shilinka Somaliland.
Xildhibaanka oo ka hadlayey madal ay kulan kula qaateen guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa hab-dhaqanka lacagta Dollarka ee shacabka ku tilmaamay wax dhakofaar ku ridday, waxana uu yidhi, “Waxa aynu noqonay wax aan ku tilmaamo aanan garan kaynin, waayo kii baska guushanaa Dollar buu ku weydiinayaa, kii dukaanka joogay dollar buu ku weydiinayaa, kii aad ardayga u dirtay ee Iskuulka ama jaamacadda haystay dollar buu ku weydiinayaa, waana umadda dhan oo dollar wada raadinaysa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaanu jirin qof kamid ah shacabka reer Somailand oo xiiso u qaba lacagta dalka, isaga oo tilmaamay in shacabka laga rabo sidii ay lacagtooda u isticmaali lahaayeen, “Ma jiro nin Somaliland shilin ku weydiinayaa, waxana aynu noqonay gobol maraykanka kamid ah waxana loo baahan yahay in caqligeenu kusoo noqdo in shilinka Somaliland aynu ku iibsan karno,” ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire.