Madaxweynaha JSL Oo Baaq U Diray Beello Ku Diriray Deegaan Koonfur/Bari Kaga Quman Gobolka Sool
Hargeysa (Hubaal)- War Qoraal ah oo xalay kasoo baxay qasriga looga taliyo dalkan Somaliland ee Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey baaq nabadeed oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi U laba beellood oo dirir dhiig badani ku daatay ku dhex martay deegaanka Qoriley oo jihada koonfureed kaga quman magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaannood. Qoraalkan baaqa ah ee ka soo baxay Madaxtooyada oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL xalay cawayskii waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne MBC hoggaamiyo oo kaashanaysa goleyaasha kale ee qaranka ay baaqan u dirayaan labada beellood ee ku diriray deegaanka Qoriley. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool, gaar ahaan degaanka Qoriley. Waxaannu yidhi; “Waxaynu halkan baaq uga diraynaa dhammaanteen xukuumadoo dhan iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, walaalaha isku dilaya magaaladda Qoriley koonfurta bari ee gobolka Sool. Dagaalkaasi dagaal loo baahan yahay maaha dad badanina wuu ku dhintay, sannado badanna wuu socday, saddex dalna wuu saameeyaa Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya intaba wuu saameeyaa. waa halkay saddexda xad isugu yimaadaan. waxaannu baaq u diraynaa dadka walaalaha ah ee halkaa isku dilaya in caqligu shaqeeyo oo aanu dil waxba kordhinin.” “Muddo ka badan 10 sanno sida la ii sheegay ayuu dagaalkaasi socdaa oo kolba intuu damo uu haddana dib soo hurayaa mar walba 10 ilaa 20 oo qof baa ku dhimata, intaas oo qofna way ku dhaawacantaa, sabab aynu dagaalkaa riiqda dheer isugu dhimanno oo dadkaasi u dhintaanna garan maayo, wixii muslim ah iyo Soomaali ah ee waxgarad ah, waxaan leeyahay arrintaa haloo gurmado oo dadkaa is dilaya waa dad Soomaaliyeed, waa Somaliland, waa Soomaaliya, waa Kililka Shanaad ee Itoobiya waa isku qoys uun xadka kolba dhan u tal-talaaba. Muslin ahaan in loo gurmado oo arrintaa xal waara laga galo oo la damiyo ayaanu baaqan u diraynaa waxgaradka saddexda dawladood ee ay saamaysaba, diyaar baanu u nahay nabadda in aanu qeybtayada ka qaadanno waayo Somaliland nabadda ayey hoggaamisaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.