Muhindis reer Somaliland Ah Oo Ikhtiraacay Nidaam Casri Ah Oo Loogu Tartamayo Golaha Wasiirrada

0
492

“Haddii aad maqli jirtay xilku waa meerto, waxaan doonayaa inaan saaxada ku soo kordhiyo ‘Xilku waa tartan’

Hargeysa(Hubaal)- Xasan Jaamac Laba-gole oo ka mid ah qurbajooga Somaliland ee taageera xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa soo jeediyay in siyaasiyiinta xisbigaas ee doonaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisayo madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ay soo bandhigaan qorshahooda la xidhiidha waxay qabanayaan iyo siday wax u qabanayaan. Xasan Jaamac oo ah nin Dhallinyaro ah oo muhindis ah(enjineer) waxaa uu sheegay inuu doonayo in loo magacaabo Wasiirka Boosaha iyo  isgaadhsiinta Somaliland, waxaannu sharraxaad ka bixiyay siduu u shaqayn doono iyo heerarka uu gaadhsiin doono wasaaradaas haddii loo magacaabo. Wuxuu ku dooday in laga baxo xilalkii la isku dhiibi jiray iyadoo aan waxqabad iyo fikrad midna lagu tartamin, sida uu ku soo bandhigay bartiisa facebook. waana markii u horreysay fikrad noocan oo kale ah loo soo gudbiyo madaxweynaha Somaliland. m“Haddii aad maqli jirtay xilku waa meerto, waxaan doonayaa inaan saaxada ku soo kordhiyo ‘Xilku waa tartan’ waxaana lagu tartamayaa sidii  qof kastaaba  horumarka u gaadhsiin lahaa wasaaradda  uu doonayo,” ayuu yidhi Eng. Xasan oo Barnaamijkiisan ugu magac daray ‘Hankaaga kor u qaad’ Waxa kaloo uu tilmaamay in himiladiisa ay ku jirto in wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland ay satalaytkeedii u horreeyay u dirto hawada dhexe sannadka 2030ka. Dad badan ayaa saxaafadda bulshada ku taageeray hindisaha ninkan dhallinyarada ah oo qorshihiisu ku wajahan yahay in Somaliland ay qof kasta ugu dhiibi lahayd shaqada uu xirfadiisa yaqaano ama soo bartay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here