Waxa Uu Ka Mid Ahaa Ganacsatadii reer Somaliland Ee Siddeetamaadkii Xoollaha Dhoofin Jiray+Qorshe Uu Dalbaday In Laga Taageero Oo Uu Madaxweynaha Ka Codsaday
Hargeysa (Hubaal) Mujaahid Yuusuf Xaaji Cabdi Xandule (Haliil) oo ka mid mujaahidiintii ururkii SNM,isla markaa ka mid ahaa ganacsatadii dhoofin jiray xoolaha siddeetamaadkii ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi talooyin u soo jeediyay ku wajahan kaalinta xoolaha ee dhaqaalaha. Waxa uu madaxweynaha usoo jeediyay sidii xoolaha loo dhaqan lahaa, isla markaana dib loogu noqon lahaa miyigii iyo dhulkii xoola daaqeenka ahaa ee xoolaha lagu dhaqi jiray. Yuusuf Haliil waxa uu sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu u samayn lahaa filim xoolaha iyo dhulka xoola daaqeenka ku saabsan oo dunida loo bandhigo hantida dalkan Somaliland leeyahay inay kaalinta koowaad kaga jiraan xooluhu. Waxaanu madaxweyaha ka codsaday inuu filinkaasi ka taageero sidii loo duubi lahaa, isagoo dhinaca kalena dadweynaha farriin u diray in dhaqashada xooluhu muhiin tahay, isla markaana loo baahan yahay sidii miyigii iyo xoolihii dib loogu dhaqan lahaa. mIsagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ka mid ahaa ganacsatadii siddeetamaadkii xoolaha dhoofin jiray, waxaan garanayaa kaalinta ay xooluhu kaga jiraan dhaqaalaha dalka. Waxaan marka hore madaxweynaha ku bogaadinayaa hanaanka fiican ee uu u wado maamulka, waxaan madaxweyne kuu soo jeedinayaa talooyin ku saabsan xoolaha.
Xoolaha oo wakhtigan xaadirka ah dhulkeena aan ku badnayn laakiin sidii aynu ahayn muddooyinkii hore waxa jiray bulsho dhan oo xoolo dhaqato ah, taasi meesha way ka baxday. Si aynu u soo celino dhaqashadii xoolaha waa in la helaa deegaanadii xoolo daaqeenka ahaa ee xooluhu ku dhaqmi jireen.
Waa in miyigii lagu noqdaa oo xoolihii la dhaqda, markaa madaxweyne adigu ugu hore oo xoolo dhaqo si ay dadku kuugu daydaan.
Haddii miyigii iyo xoolihii la waayo magaalana ma jirayso oo bulshada miyiga iyo magaaladu way isku xidhan yihiin.
Madaxweyne waxaan wada hada inaan duubo ama sameeyo filim ka hadlaya kaalinta xooluhu kaga jiraan horumarka iyo dhaqaalaha dalka, filimkaasi oo dunida oo dhan loo bandhi doono ujeedadiisa rasmiga ahi waxay tahay in la ogaado ummadani hantida kowaad ee ay leedahay inay xoolaha yihiin. Waxaan dadweynaha ugu baaqayaa in miyigii lagu noqdo oo xoolihii la dhaqda” ayuu yidhi Yuusuf Haliil