Hargeysa(Hubaal):-Mujaahid Baashe Cabdi Godane oo ka mid ahaa mujaahidiintii ka soo qayb qaatay halgankii qadhaadhaa ee loo soo galay xoriyada dalka somaliland ayaa si mug leh u taageeray musharaxnimada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Mujaahid Baashe Cabdi Godane oo maanta war murtiyeed uu ka soo saaray magaalada Hargeysa soo gaadhsiiyey ayaa guud ahaanba shacabka Somaliland gaar ahaana dadka reer Hargeysa ugu baaqay inay taageeran musharaxnimada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu musharax ka noqdo xisbiga Kulmiye.
Qoraalka uu Baashe Cabdi Godane ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan “Aniga oo ah mujaahid Baashe Cabdi Godane waxaan si kal iyo laab ah ugu hanbalyeynayaa mujaahid Muuse Biixi Cabdi sida uu
u doonay kursiga madaxweyne ee dalka ee hamigiisu gaadhsiiyey xaqna u leeyahay, markaa dadka Somaliland gaar ahaan dadka reer Hargeysa waxaan leeyahay waa in la taageero mujaahidka waayo waayo waa nin reer Hargeysa ah iyada oo tii hore ee Faysal Cali Waraabe inaga hoos baxday oo markaas wax kale ayaa taagnaa laakiin maanta barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen ayaan leeyahay, wax dareen hargeysaay oo madaxweyne gobolkaaga ka soo baxay waa lagu faanaa waanu kaa xigaa kuwa kale.”
Madaxweynaha maanta dalka ka taliya waa la ogaa sidii ay reer Hargeysi ugu codeeyeen wax badani wuu qabtay, nin baase beri geel xero ku jira lisanaya oo ay kaliil tahay waxa u yimid nin marti ah geeluna caano badan muu lahayne intii hadhuubka ku jirtay u dhiibay ninkii martida ahaana wuu kaga heemiyey, ninkii geela lisayey ayaa qaata hadhuubkii oo madhan markaasuu ku yidhi Ninyahow Sidii Aan Kuugu lisay Iigumaad Hanbayn, madaxweynaha waxaanu leenahay sida ninkaas oo kale ha noqon.”