Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Faah faahin Ka Bixiyey Hannaankii Loo Aas Aasay Ururkii SNM

0
106

CABDIRAXMAAN CABDIQAADIR

Hargeysa:(Hubaal)-Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo ka mid ah aas aasayaashii ururka SNM ayaa si faahfaahsan uga hadlay qaabkii loo sameeyey ururkii SNM.

Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo qoraal uu ku saxeexan yahay soo saaray ayaa waxa uu kaga waramay sidii loogu dhawaaqay ururka SNM, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

Aaas Aaskii SNM

Waxaan arkay qoraal si khalad ah uga hadlaya aas aaskii SNM markii la soo gaadhay London ee lagu dhawaaqay bishii April 1981.

Waxaan cadaynaynaa qodobadan

1.Magaca SNM(Somali National Movement) waa lagu go’aamiyey guriga aan ku jiray ee ciwaankiisu ahaa “34 charliville Mansions London W14”, calaamada ururkana (Logo) waxa halkan ku sameeyey Yuusuf Warsame Siciid

2.Waxa go,aankaas wada gaadhay madaxdii ururka soomaali Welfare Organization ee  mudada dheer London ka waday mudaharaadadii lidka ku ahaa xukuumada Maxamed Siyaad Bare, madaxdaasna waxa ka mid ahaa

–  Axmed Xaaji Cabdilaahi(Axmed Suufi)

– Axmed Maxamed Ibraahim Cigaal

–  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax

– Dr. Cumar Dixood

– Ibraahim Sheekh Muuse

–  Ibraahim Cali Wayrax

– Marxuun Ismaaciil Maxamuud

– Xasan Ciise Jaamac

Waxa go,aankaas nala qaatay weftigii nooga yimid sucuudi Arabiya iyo imaaraadka oo ka koobnaa

– Marxuun Xasan Aadan Wadadiid

– Marxuun Axmed Ismaaciil(Duqsi)

– Marxuun Xuseen Abokor Xaaji Faarax

– Marxuun Maxamed Yuusuf Cabdi

–  Dr. Cabdisalaan Yaasiin

–   Maxamed Xaashi Cilmi

– Maxamed Xuseen Yuusuf

  1. Waxa halkaas lagu qorsheeyey in lagu qabto shir ay iskugu yimaadaan xubnihii iyo taageerayaashii ururka SWO iyo saxaafadii London oo lagaga dhawaaqo ururka cusub ee SNM
  2. Waxa kale oo la go,aansaday in shirweynaha la qabto 6 bilood ka dib October 1981, waxaana la qorsheeyey mudadaas ka hor mar kale raacdo lagu maro dalalka caraba, Yurub iyo Afrikada bari, iyada oo la raadinayo cid kale oo u soo baxda halganka bilaabmaya iyo cid kale oo ka mid ah soomaalida kale oo hawsha nala bilawda.
  3. Shirkii 6-dii April 1981 ee lagu aas aasay ururka SNM waxaanu ku qabanay hoolka Connaugh Rooms oo u muuqday xarunta BBC-da ee Bush House.

Waxa halkaas SNM kaga dhawaaqay intayadii arinta soo wada go,aamisay ee ku wada socotay ee aan soo sheegay iyo xubnihii iyo taageerayaashii ururkii SWO ee SNM ka horeeyey ee mudada dheer halganka ku soo jiray, tiradooduna waxay ka badnayd 100 qof, shirkana aad iyo aad u camiray, waxa kale oo SNM nagula dhawaaqay Marxuun Siciid Cabdilaahi Cigaal oo ka yimid Sweden, waxaana shirkaas ka soo qayb galay weriyayaashii BBC-da iyo kuwo kale oo badan oo ka socday wargeysyada IngiriiskaAniga ayaa hayey makarafoonka oo hagayey barnaamijka madashaas.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here