Mujaahid Dhego-weyne Oo Ka Dayriyey Xaaladda Nolol-xumo Ee Dalka Ka Jirta, Walaacna Ka Muujiyey Doorasho Waqtigeeda Ku Qabsoonta

0
38

“Waxan maqlayaa dadweynihii oo cabaadaya oo odhanaya waxa na haysa abaar dawladdu abuurtay oo sicir-bararkii ah iyo abaartii ilaahay, marka laba abaarood oo mid bani’aadamku gacantiisa ku samaystay oo uu ilaalin kari waayo lacagtiisii oo subax walba qiimihii isbeddelayo oo sarrifkii is-beddelayaa waa mid subxaan allah, 

“Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kala baxo waa in la helaa, haddii la waayona waa in laga tashadaa, waayo inaanay waxba dhacayn baan arkayaa, wakhtigii wax la qaban lahaana waa la dhaafay, eedda dib udhacana waxa iska leh dawladda….”Mujaahid Ibraahim Dhego-weyne

Mujaahid-Dhagaweyne

Hargeysa:(Hubaal)-Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (dhego-weyne), ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxana uu ka digay sicir-bararka xadhkaha goostay ee waddanka ka jira iyo werwerka laga qabo inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi doonto.

Mujaahidka oo u warramay telefishanka Hctv, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumaddu gacmaha laabato iyada oo qiimihii lacagtu hoos usii socoto, isla-markaana noloshii muwaadiniintu sii adkaanayso, “waxan maqlayaa dadweynihii oo cabaadaya oo odhanaya waxa na haysa abaar dawladdu abuurtay oo sicir-bararkii ah iyo abaartii ilaahay, marka laba abaarood oo mid bani’aadamku gacantiisa ku samaystay  oo uu ilaalin kari waayo lacagtiisii oo subax walba qiimihii isbeddelayo oo sarrifkii isbeddelayo waa mid subxaan allah, olale iyo abaarina isma geli karaan”ayuu yidhi Ibraahim Dhego-weyne.

Mujaahid Ibraahim Dhego-weyne waxa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay doorasho xor ah oo dalka ka qabsoonta, waxana uu xusay in haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo ay eeddaas iska leedahay xukuumadda talada haysaa, waxana uu yidhi,“Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kala baxo waa in la helaa, haddii la waayona waa in laga tashadaa, waayo inaanay waxba dhacayn baan arkayaa, wakhtigii wax la qaban lahaana waa la dhaafay, eedda dib udhacana waxa iska leh dawladda iyo ninkii dadkii igmadeen ee ay dhaqaalah u xilsaareen ayaa iska leh, nin suuqa iska joogana la odhan maayo wax baad ku leedahay ciddii awooddaas uu distoorku siiyey ayaa iska leh.”

Dhinaca kalena waxa uu mujaahidku difaacay shir ay dhawaan iskugu yimaadeen dadka deegaanka Gableedka Burco iyo weliba gobolka Saaxil oo isaguna qayb ka ahaaa, waxana uu tilmaamay inay dadkaasi arrimo danahooda la xidhiidha ka hadlayeen,“shirkaas wax laga shakiyaa kuma uu jirine danahooda beel ahaaneed uun bay kaga hadlayeen, cidna aynu ku xumayno, cidna aynu ku waxyeellayno lagagama hadline danahooda ayey kaga tashanayeen, labada beeloodna way wada hadli karaan”ayuu yidhi Ibraahim Dhego-weyne.

Mujaahid Ibraahim Dhego-weyne, ayaan xilligan ka jirin wax xisbi ah, balse waxa uu caan ku yahay afkaar aad uga fog xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda, waxana uu inta badan dhaliilo u jeediyaa hannaanka ay xukuumaddu dalka u maamusho.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here